Wararka naga soo gadhaya wadanka Ogaadeeniya Gaar ahaan Xarunta Dhexe ee JWXO ayaa sheegaya Dagaalo ka dhacay qaybo kamid ah Dalka Ogaadeeniya,

Dagaaladaasi oo u dhaxeeya Askarta daalan ee gumaysiga Ethiopia iyo NH/CWXO ayaa waxayna udhaceen

29/03/2013 Dagaal ka dhacay Maraacaato oo Qabrihahar udhow ayaa waxaa Askarta mooraalka jabsan ee gumaysiga Ethiopia lagaga dilay 3 Askari waxaana lagaga dhaawacay 5 kale.

23/03/2013 Miir-dambas oo Danood udhow dagaal ka dhacay waxaa Askarta Ethiopia lagaga dilay 2 Askari waxaana lagaga dhaawacay 1 kale.

Isla 23/03/2013 Adhiya oo Garbo udhow waxaa Askarta gumaysiga dagaal halkaasi ka dhacay lagaga dilay 1 Askari waxaana lagaga dhaawacay 3 kale.

22/03/2013 Dagaal ka dhacay Juffa oo Dhaxmadow ka tirsan waxaa ciidamada sii kala yaacaya ee gumaysiga Ethiopia lagaga dilay 2 Askari waxaana lagaga dhawacay 4 kale.

10/03/2013 Kamiin ay Cutub katirsan NH/CWXO ka xidheen Juffa oo Dhaxmadow katirsan ayaa waxaa soo galay kolonyo gaadiidka milatariga ee gumaysiga Ethiopia waxaana kamiinkaasi lagaga gubay hal Gaadhi iyo Askartii saarnayd oo aysan waxba kabixin iyadoo khasaare kalana lasoo gaadhsiiyey gaadiidkii kale ee lasocday kan hawada lagu dubtay.

Waxaa iyaguna jira dagaalo kale oo ka kala dhacay 10,23,27 iyo 29 /03/2013 Deegaanada kala ah Badhi-waynayley oo Garbo udhow,Balli-midgaan oo Aware katirsan iyo Dhagaxmadow waxaana Askarta gumaysiga Ethiopia galaaladaasi loogu gaystay khasaare xoogan.

 

ONA

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay