Xukuumada gabalkeedu sii dhacayo ee gumaysiga Ethiopia ayaa Askarteeda mooraalka jabsan waxa ay Ogaadeeniya kawadaan Tacadiyo ay kula kacayaan dadka shacabka ah kadib markii si xun loogu jabiyey goobaha dagaalka ee ay isaga horyimaadaan iyaga iyo NH/CWXO waxayna bulshada rayidka ah ugaystaan dhibaatooyin ay kamid tahay Dil

29/03/2013 Balli-midgaan oo Aware katirsan waxay Askarta gumaysiga Ethiopia dil naxariisdara ah ugu gaysteen muwaadin lagu magacaabo Allaha unaxariistee

Ibraahim Cabdulaahi Xasan oo ku magac dheeraa Qoorlex

26/03/2013 Magaalada Nusdariiq waxay Askarta wayaanuhu ku dileen nin safar ahaa oo lagu magacaabi  jiray Cabdulaah Xasan Muuse, Marxuunkan oo safar kuyimid magaalada Nusdariiqa isagoo halkaasi keenay Neef Geela oo uu rabay inuu kagato ayay markii uu gatay Awrkii waxa ay Askarta gumaysiga Ethiopia ka kaxaysteen magaalada iyagoo marxuumkaasi ku dilay duleedka magaalada waxa ayna ka dhaceen lagactii Awrka oo dhanayd 10,000 oo bir.

 

ONA 

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay