shir si heersare ah loosoo agaasimay in muddo ahna lagasoo shaqaynayey ayey Haweenka soomaalida Ogadeniya ee dalka finland ku qabsadeen magaalada Helsinki ee caasimada dalka finland, shirkan oy kasoo qaybgaleen dhamaan haweenka soomaalida Ogadeniya ee ku dhaqan dalkan finland ayey ujeedadiisu ahayd inay doortaan hogaan cusub madaama uu maamulkii hore dhamaaday wakhtigiisii.

shirkaas oy goobjoog ka ahaayeen qaar ka tirsan masuuliyiinta Jaaliyada Somaalida Ogadeniya ee dalka finland.

shirkaas lagu dooranayey maamulka cusub ayaa waxaa ayaado qur’aan ah kadib laguda galay ujeedadii lasugu yimid

gudoomiyihii hore ee ururka Haweeenka marwo aamina jwxo ayaa ka warbixasay sababta laysugu yimid sidookale waxqabadkii intii ay haysay maamulka iyo waxay higsanayaa, qorshaha ururka ee sannadka 2013 waxbixintaa ka dib ayaa laguda galay doorashadii halkaas oo lagu doortay masuuliyiintii hogaamin lahaa ururka sannadka 2013-2014.

isla goobtaas ayaa waxaa ka dhacay xilwareejin heer sare ah oo uu maamulkii hore ku wareejiyey maamulka cusub.

gudoomiyaha cusub ayaa hadal kooban oo tayo leh kasoo jeedisay madashii shirka balanna qaaday inay meeshii kasiiwadi doonta hawsha shaqadana sii labajibaari doonto hadii allaha awooda lihi ogolaado.

 

ONA

JARARI

HELSINKI, Finland

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay