02/04/2013

Sydney, Australia

Iyadoo ay maalmihii khamiista ilaa sabtida ay magaalada Melbourne ee wadanka Australia ay ka dhacayeen bandhigyo ay muslimiinta dalka Australia isugu soo baxayeen ayaa waxaa labadii maalmood ee Axadda iyo Isniinta lagu qabtay magaalada Sydney ee wadanka Australia.

Bandhigan oo ay isugu yimaadeen kumanaan ka mid ah muslimiinta ku nool gobolka New South wales ayna soo diyaariyeen hay’aada Mercy Mission looguna magoc daray Twin of Faith Conference ayaa waxaa lagu marti qaaday Hay’adda Gargaarka Haweenka iyo Dhalaanka Ogaadeenya ee Ogaden Mother and Child Relief (OMCR) iyadoo ay hay’addu halkaasi ka samysay teendho lagu sharaxay ujeedooyinka iyo himilooyinka Hay’adda iyo sidoo kale fariimo iyo sawiro muujinaya xaalada nololeed ee ay ku sugan yihiin hooyooyinka iyo dhalaanka Ogaadeenya ee kusoo qaxay wadamada dariska la ah Ogaadeenya.

Halku dhaga Hay’addu ay ku abaabulaysay hawlgalkan oo ah “ma aha waqti dambe, waxay u baahan yihiin caawimaadaada” ayaa waxaa uu soo jiitay muslimiin badan oo ku sugnaa madasha iyadoo laga dheehanay in muslimiinta dareenkoodu uu badalmayay marka ay akhristaan fariimaha qoraalka ah ee ay qaybinayeen kooxda wargalinta ee OMCR.

Koox ka tirsan OMCR ee ka hawlgalaysay wargalinta muslimiinta ayaa qaybiyay kumanaan warqadood oo ka warbixinaya dhibaatooyinka tacadiga ah ee isugu jira dilka, kufsiga, dhaca iyo baro-kicinta ee lagu hayo haweenka iyo caruurta Ogaadeenya.

Madasha oo lagu soo bandhigayay muxaadarooyin diin ah talooyin iyo aqoon is waydaarsi ayaa waxaa makarafoonka lagaga dhawaaqay in muslimiinta goobta joogtay ay soo arkaan teendhada iyo akhbaaraadka ay qaybinayaan hay’ada Ogaden Mother and Child Relief isagoo wadaadkii xidhiihiyaha ka ahaa bandhigu uu sheegay in ay aad usoo jiidatay arintaasi isagoo si cad u yidhi “Ogaadeenya waa Gaza oo ayna saxaafadu tagi Karin hay’ada gargaarkana laga mamnuucay”

 

Marka la iskusoo duubo ayaa waxaa hay’adda OMCR ay halkaas ku wargalisay tiro badan oo kamid ah muslimiinta wadankan Australia iyadoo sidoo kale loo soo jeediyay talooyin wax ku ool ah oo ay hay’addu ku hawlgali doonto mustaqbalka dhaw.

Hay’adda ayaa baaq u dirtay dhamaan muslimiinta adduunka iyadoo ay dadka wax bixinayaayi ay si sahal ah ugu diri karaan accountka hay’adda oo laga heli karo barta internetka ee www.omcrelief.org

ONA

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay