Ogeysiis; Taageer Ururka OYSU oo ka qeyb qaadanaya Orodka lagu takoorayo Xasuuqa 7 April 2013 Minneapolis
Ururka dhalinyarada OYSU Minneapolis ee wadanka mareykanka ayaa ku jira dadaal dheer oo caalamka lagu ogeysiinayo Xasuuqa kasocda Ogadeniya. Ururka oo ka faa ideysanaya maalinta xasuuqa ee Caalamka laga xuso ayaa waxa ay qorsheyteen in ay dadaal dheer sameeyaan maalinkaas si shacabweynaha wadanka Mareykanka iyo bulshada jecel cadaaladaba loo tuso gumaadka iyo xasuuqa mudada qarniga ah kasocda Dhulka Ogadeniya.
Ururuka OYSU oo hadda ka hor ka qeyb galay socdaalo lagaga hortagayo xasuuqa ka socda wadamo badan oo kamid ah aduunka, ayaa sanadkan magaalada Minneapolis ka qeyb qaadna doono orod iyo socdaal dheer oo 5km la ordayo. Socdaalkan iyo orodkan ayaa ururka OYSU kala qeyb gali doona Ururka World Without Genocide barnaamij ay soo diyaariyeen.
Hadabada maamulka OYSU minneapolis ayaa kasocdanaya somalida Ogadeniya ee ku nool magaaladaas inay maalinkaas isusoobaxaan oo taagero siiyaan xubnaha OYSU ee ordi doona.
Xubinki raba innuu orodkaas ka qeyb galo oo laftigiisu ordo waxa uu la xidhiidhi kara maaulka OYSU gaar ahaan Mudane Jacfer sida ka muuqda Posterka kore ee xayaysiiska.
Maalinkas waxaad soo qadataan calamadiina iyo waxyaalo muujinaya tacadiga iyo xasuuqa ka socda Ogadeniya.
Munaasabadan ayaa dhacaysa
Axada 7 April 2013
9:00-10:30 Subaxdii
Hubert H Humphrey Metrodome
900 South 5th Street
Minneapolis
Laxidhiidh OYSU Minneapolis
Mudane Jacfar Dhoof\; 952-6887732
HOOS KA FIIRSO MACLUMADKA MAALINKAAS:
Comments are closed
Sorry, but you cannot leave a comment for this post.