Oslo: Waxaa maanta oo Sabti ah ka dhacay wadanka Norwey caasimadiisaOslo shirkii xubnaha Jaaliyadda Somalida Ogadenya ee ku dhaqanOslo iyo nawaaxigeeda.

Shirkan oo ahaa kii billaha ahaa laakiin haddana ay si gaara xubnuhu u xiiseeynayeen maadaama uu ahaa goobta lagu soo bandhigayey waxqabadkii maamulka ee Saddexdii bilood (3) ee tagay.

Shirkan oo Sheekh Abdiwali Garaad ku furay aayado kamid ah Quraanka Kariim ayaa waxa lagusoo bandhigay hawlihii maamulka qabteen illaa egga iyo qorshaha maamulka Jaaliyaddu higsan hayo muddada dhaw.

Shirka waxaa warbixinno khuseeya qeybaha kala duwan ee Jaaliyadda kulanka kusoo bandhigay si cilmiyaysan, Madaxa Dhaqaalaha Md. Abdiwali Soomane, Md. Abdiqadir Iltol, Madaxa Warfaafinta iyo Xoghaynta Jaaliyadda, Md. Abdishakuur.

Gudoomiyaha Jaaliyadda Mudane C/laahi ayaa isna ku dheeraaday fulinta qorshaha sanadka 2013 iyo hawl-qaybsiga xubnaha maamulka, middaas oo guul la taaban karo laga gaadhay saddexdii bilood ee tagay.

Shirkan oo aad loogu riyaaqay sidii loo soo qabanqaabiyay iyo agaasinkiisiba wuxuu  ku dhammaaday jawi farxad leh iyo rajo wanaag aad u sareysa oo laga qabo sanadkan in la gaadho guulo waa weyn.

Ugu dambeyntiina shirka waxa lagu soo gabo gabeeyay hambalyo loo soo jeediyay CWXO guulihii ay bishan kasoo hooyeen goobaha dagaalka ee gudaha Ogadenia.

Mohamed Ilyas

ONA/Norway.

 

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay