Marka laga yimaado guuldarada xagga ciidanka ah ee ururkii IAIA (Al-Itixaad Al_islaami) ka soo gaadhay Gudaha Ogadenya iyo qaybo ka mid ah Gobolada Somaliya sida dagaaladii ay kula galeen Cabdulaahi Yusuf gobolka Boosaaso 1994-1996, oo laga yimaado burburka iyo is-dhiibkii ururka uu 2010kii ku saxiixay Adisababa, waxaa ururkaa Itixaad intuu qaatay magaca UWSLF maamulayay oo gacanta ku hayay Sirdoonka Itobiya. Arintaa ma’aanan rumaysteen oo si dhib yar iigama aanay dhaadhacdeen intii aanan hor-fadhiisanin shaqsiga dhab ahaanta u hogaaminayay hawsha ururka intuu la baxay UWSLF, gaar ahaan qaybta gudaha Ogadenya ku jirtay. Hasa ahaatee dhowr habeen oon isu-kaliyaysanay Axmad nashaad, waxaan xaqiiqsaday oon afkiisa ka ogaaday inuu gacanta u galay sirdoonka Itobiya laga bilaabo waqtigaa aan sheegay, uuna fulinayay hawlaha ay ka doonayaan gudaha Ogadedenya ama Somaliya. Cadaymaheedana waqtigii loo baahdo ayaan soo bandhigi doonaa iyadoo cod ah.

Sirdoonka siyaabo kala duwan ayay u adeegsadaan canaasirta u shaqaysa. Marka laga yimaado hawsha caadiga ah ee dhagaysiga iyo xuuraaminta ah, waxaa uga dhibaata badan shacabka loo adeegsanayo Cunsurka Qarsoon (Agent عميل سري ) ugana waxtar badan dawladda adeegsanaysa midka loogu talagalay inuu Agent/Camiilka ku abuuro dareenka ay dawladaasi ka doonayso shacabkaa ama ururka loo diray inay aaminaan. Hawsha noocaa ah looma adeegsado shaqsi walba. Waxaa fulin kara oo kali ah shaqsi leh sifooyin gaar ah oy ugu horeyso aqoon ku haboon hawsha uu ku dhex fulinayo muhimadda loo diray. Sidoo kale inuu leeyahay karti dheeraad ah, go’aan qaadasho dagdag ah iyo codkarnimo. Tilmaamahaa iyo in kaloo lagu darayba waan ku arkay Axmad nashaad saacadihii aan wada fadhinay. Waxayna ahayd muhiimadda la faray Axmad nasaahd sidaad arki doontaan, in ururka UWSLF loo adeegsado ajendayaasha fog ee Itobiya, iyagoo aanay ogaanin dhalinyaradii ciidanka u ahaa iyo siyaasiyiintii la shaqaynaysay ee ka sareysay ama la heerka ahayd. Muhiimadii iyada ahayd weli ma dhamaanin, waxaana hadda loo dhiibay Axmad nashaad malafka jaaliyadaha S.Ogadenya iyo taageerayaasha ONLF.

Ma filayo Axmad nashaad inuu lacag ka qaatay Itobiya, waliba siduu iiga sheegay afkiisa Itobiya cidna lacag ma siiso (inay kaa qaadato mooyaane). Markaan taxliiliyay sababaha keenay inuu Axmad nashaad ugu adeego Itobiya, oon dhagaystay ra’yigiisa waxaan ka gayn waayay inay tahay 2ba sababood. Waa marka aan la kaashado siyaabaha ay sirdoonka u kasbaan dadka ay adeegsanayaan ee loo yaqaano MICE.

1-     Siduu ii sheegay (hoos ka fiiri natiijada shirka Sudan), inuu qabo mabda’a (Ideology) ahaan inuu hadafkiisa ku gaadhi karo oo kali ah inuu Itobiya dhexgalo.

2-     Iyo isagoo rumaysan waxaan doonayo waan marasiin qofkaan rabo (Ego), taasoo la gashay inuu isu-dhiibo Itobiya say ugu hirgasho mabda’a uu aaminay.

Waxaa dhacda marmar inuu shaqsi isagoo fulinaya danaha cadawga umadiisa uu isu haysto inuu waxtarayo. Sida aqoonyahanadii aaminsanaa mabda’a shuuciga ee ka shaqaynayay jaamacadaha iyo saxaafadda reer Galbeedka oo siyaaba kala duwan ugu adeegi jiray sirdoonka dawladihii WARSO sida KGB-da.

Anigoo horey u maqlay inuu Axmad nashaad ka dambeeyay soo xareyntii Itixaadka, ayaan afkiisa ka maqlay inuu waligiiba aaminsanaa in halganka hubaysan ee ka socda Ogadenya la joojiyo. Wuxuuna ii sheegay inuu go’aankaa qaatay intii ka dambaysay shir loogu qabtay Sudan 1996 oo isaga iyo saaxiibadiisii Itixaadka ay ka qaybgaleen. Wuxuu ii sheegay inay shirkaa soo qaban-qaabiyeen dawladaha Sudan,Turkey, Libiya, Masar, Sacuudiga iyo Eretrea oo waagaa ay saaxiiba ahaayeen TPLF. Lix bilood ayaan joognay shirkaa ayuu yidhi oon ku qaadanay siminaaro ugu dambayntii aan ku aaminnay fikradda ah in aan joojino dagaalka. Hasa ahaatee waxaa af-gambi nugu sameeyay ayuu yidhi Cabdisalaam iyo kooxdiisii oo ka soo horjeeday in Itobiya la’isu dhiibo oo dagaalka aan joojino. Arintyaa markay dhacay buu yidhi, waan ka baxay siyaasad oo idil iyo hawlihii ururka.

Su’aasha ay tahay qofkii caqli leh inuu isweydiiyo waxay tahay, maadaama Axmad nashaad aaminay qaatayna fikradii ahayd inuu hubka dhigo, oo Itobiya uu dhexgalo, sababta Axmad nashaad Gaashaandhiga loogu magacaabay markii lagu go’aansaday Villa Somaliya in Itixaadkii loo badalo UWSLF oo dagaal ay dib u bilaabaan, gudahana uu soo galo? Mala odhan karaa isaga iyo Itobiya arintaa kama midaysnayn? Anagoo ogsoon doorka ay Itobiya ku lahayd maamulka Villa Somaliya waqtigaa?

Jawaabta Su’aalahaa waxaan ka heli karnaa waxyaabaha uu ka qabtay Axmad nashaad Ogadenya iyo siyaasadda uu ka fulinayey ciidankiisii UWSLF ilaa ay qoryaha u dhiibeen Itobiya. Waxaan ku soo ururinaynaa qodabadan;

1-     In shacabka reer-guuraaga ah laga dhaadhiciyo in N/hurayaasha ONLF iyo ciidanka Itobiya aanay waxba is-dhaamin oo laba gaal yihiin. Arintaa markaan weydiiyay Axamad nashaad ma’aanu diidin inay sidaa u dhacday isagoo yidhi ONLF ayaa naga darnayd wuxuuna tusaale u soo qaatay hadalo uu yidhi waxaan ka maqalnay raadiyaha ay kuwada hadlayeen ciidanka jabhadda. Su’aal; yay dan u tahay in CWXO la gaaleeyo?

2-     In dagaal joogta ah uu ka dhex oognaado labada ciidan ee ONLF iyo Itixaadka (UWSLF) ka dibna eedeeda dusha laga saaro madaxda ONLF oo loogu fasiro dadweynaha, gaar ahaan dadka dibadaha ku nool in ONLF ay qandraas ku qaadatay ladagaalnka diinta.

3-     In madaxda ONLF lagu shaabadeeyo Ashahaado la dirir weeye, iyagoo soo qaadanaya hadala aan sugnayn hasa ahaatee marka laga maqlo qof leh astaan diineed (Sh. Axmad nashaad iyo Sh. Ibraahim dheere) aan laga beeneysan karin.

4-     In laga ilaaliyo ONLF inay saaxiibo ku dhex yeelato ururada Islaamiga ah ee Somaliya iyo dunida islaamkaba.

5-     In dagaal laga dhex shido ONLF iyo ururada diiniga ah gaar ah ee Somaliya si looga ilaaliyo ONLF dhex marka iyo dhex jooga koonfurta Somaliya.

6-     In lakala jabiyo ONLF oo la abuuro garabyo wata magaca ONLF oo dagaal hubaysan laga dhex huriyo gudaha Ogadenya, taasoon ogayn talaabooyinka ay ka qaadeen.

7-     Dilkii Itobiya ay ka dambeysay ee Dr. Doolaal oo Axmad nashaad gaar ahaan aad uga shaqeeyay isagoo markhaati beenaale furaya inuu shaqaaqo ka dhex abuuro ururka. Wuxuuna afkiisa ka furay saacadihii aan wada joognay inay Itobiya dishay inkastoo uu meelwalba ka lahaa waxaa dilay ONLF.

Qodobadaa iyo qaar kaloo badan oon halkan lagu soo koobi karin iyo mawqifkii uu qaatay Axmad nashaad ee ahaa inuusan xabad dambe ku ridin Itobiya, miyaanay kuu muujinaynin ujeedada laga lahaa dhisidda iyo hubaynta ururkii UWSLF? Markii ay suurtagali waayeen qorshayaashaa la dajiyay oo gudihii ay waxba ka fulin waayeen (Ilaahaybaa mahadaa lehe), waxaa loo gudbay marxaladda aynu hadda ku jirno ee ah in siyaasad ahaan loo wiiqo ONLF ilaa ay ka ogolaanayaan heshiiska ay doonayso Itobiya. Waana midda hadda socota oo sida aan ka maqlay hadalada Axmad nashaad intaan is-horfadhinay inuu ku dadaalayo Hirgalinteeda.

Qaybta 2aad ayaan ku soo qaadan doonaa marxaladdan uu fulinayo Axmad nashaad wuxuu ka yidhi iyo tabaha uu adeegsanayo oo afkiisa uu ka qiray.

ONA.

 
 

1 Comment

  1. HORTA NINKANU MA OGTIHIIN INNUU YAHEY NINKII SHIRQOOLEY ALLAHA HA U NAXARIISTEE DR DOLAL OO KU HOGGAAMINAHEY TELEPHONKA CIIDDAMADA GUMISIGGA EE ETHIOPIA UUNNA U SOO WACAHAYEY DAQIIQAD WALBA DR DOLAL ILLAA LA DILEY DR DOLAL MARKAAS WAXAAN U SHEEGAHAYAA INNUU YAHEY NINKANI GACAN KU DHIIGLE UUNNA YAHEY DAMBIILE

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay