Laba maqaal oo aad u xiisa badan isla markaana ay ku dhanyihiin xog iyo macluumaad muhiim ah oo tagto iyo joogtaba ah (Past and Present events) ayay soo qortay shabakadda Faalo oon uga baranay xogaha muhiimka ah een la badhxin oy ka soo tabinayaan gudaha Ogadenya iyo dambiyada shacabka ay ka galayaan maamulka uu gumaysiga u wakiishay  dhibaataynta iyo xasuuqa shacabka S.Ogadenya.

Maqaalka Hore oo qoraaga magac-qalinka (Pen name) ka dhigtay Mufakir Galbeed isagoo ku sheegay sababta uu magaciisa dhabta ah u qariyay sidan; (waxaan magacayga u qariyay ma hubo inuu siyaasiga somaliyeed ee deegaanka u taliyaa i daynayo isagoo sabab iiga dhigaya Shuftay) , wuxuu maqaalkan oo cinwaankiisu yahay Kaaf iyo Kaladheeri ku eegayaa qoraaga farqiga u dhexeeya siyaasiga leh waxaan ka taliyaa Jigjiga iyo siyaasiyiinta qawmiyadaha kale ee Itobiya. Qoraaga markuu isbarbar dhigay arimaha ay ka midka yihiin Waxbarashada iyo caafimaadka gobolada ay Itobiya u magacawday maamulada wuxuu ku soo gunaanaday sidan; ( Shacabka Soomaliyeed ee kunool deegaanka 78% waa biyo la’aan,  halka wax barashada deegaanka qiyaas looga qaato in school la dhiso kadibna qiimayn guud lagu sameeyo imisa ayaa gali lahayd hadii aan  ka Shaqayn siin lahayn skuulkan taasoo la odhanayo ka soo qaad in lagu dhigto. Tusaale waxa ku ah degmooyinka Sagag, Xamaro, Dhagaxmadaw, danood, Dhuhun, Gungado, Marsin, La-helaw, Dhanaan iyo dhaamn degmooyinka in goobihi wax barashada ay daganyihiin ciidanka Itoobiya iyo ka deegaanku. Caafimaadkuna waa mid la mid ah tusaalaha kor ku xusan, iyadoo la dhisay goobo badan lakiin ayna Shaqayn, waxa kaliya ee kaga duwantahay skuulada waa in iyada ayna ciidanku dhaamaan wada daganayn. Waa kaaf iyo kale dheeri.)

Riix halkan : Kaaf iyo Kaladheeri 

Maqaalka 2aad ee qoraaga Mufakir Galbeed wuxuu shiishka ku saaray sida ay kuwa loo magacaabo maamulka Jigjiga isaga gadaan Tigreega oy ugu laaluushaan dhiiga iyo maalka shacabka Somaliyeed ee Ogadenya. Wuxuuna soo qaatay tusaalooyin uu ku xusay midwalba siyaabihii uu isaga laaluushi jiray Wayaanaha gaar ahaan qoyska Meles Zinawi. Maqaalkaa oo cinwaankiisu yahay Maan Baray iyo Maan Bilaal isagoo dhamaystiran;

Halkan Ka Akhri

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay