Najiib.shide@yahoo.com

Kuuba ma ilaahay baa,xagey nooga timid iyo

War waad danbaabtaye Allaah ka cabso.

Waa taariikh nin gabayaa ah iyo saraakiil kamid ahayd dolwadii Soomaliya balse nasab ahaan kasoo jeeday dhulka Ogadeniya ku dhexmartay daggaalkii Ogadeniya lagu xoreynayay 1977kii. Kadib markii dhulka Ogadeniya laga xoreeyay gumeystihii Itoobiya (Ethiopia.) Waxaa cudud ciidan iyo mid siyaasadeedba ugusoo hiiliyay gumeystahii Itoobiya wadanka Kuuba (Cuba) oo si dhib yar dhulkii boqolaalka kun ee qof u dhinteen  dib uga qaadtay Dowladii Soomaliya iyo Jabhadihi soomali galbeed dibna ugu celiyay gancantii gumeystaha Itoobiya. Arrintaas oo yaab iyo lama filaan ku noqotay shacabweynihii soomaliyeed ee xoriyada iyo sinaanta jeclaa. Kuuba ayay inta badan dadweynuhu isweydiiyeen cida ay tahay iyo goortay cadaawadu dhexmartay. Intabadan dadkii Soomaliyeed waxay u bixiyeen magacyo naaneys ah oo lagu canbaareynayo wadanka Kuuba.

Qormadan Kooban oo qeybo u qeybsan waxay daba socotaa Qormadii Faaf Reeb: Tuug Malise Ayuu Ka Tagaa oo qeybteedi kowaad kusoo baxday Bogga Somali Talk 23 January 2011. qoraalkan labaad oo ugu magac darnay Faaf Reeb II Taariikhdii oo Marlabaad Isqoreysa- ayaa igu dhashay kadib markii qoraalo badan iiga yimaadeen akhristayaal qormadaas hore akhristay iyo dareenka aan ka qabo xasuuqa Ogadeniya oo sii jibaarmay.

Waxaan si gooni ah maqaalkan kooban kaga hadli doona Xasuuqa ka socda dhulka Ogadaniya iyo aragtida beesha caalamka ee ku aadan Xasuuqa ama waxa afka qalaad lagu yiraahdo “Genocide”. Waxaan kale oo kaga hadli doona danaha gumeystaha Itoobiya kala dhaxeeya beesha caalamka. Sidee ayaa looga hortagi karaa Xasuuqa qarsoon ee Ogadeniya kasocda ee maalinba maalinka kusii xiga sii baahaya.

Waa Markhaati ma doona in dhulka Ogadeniya kasocdo Xasuuq, Caalamku se ma ogyahay, Haduu ogyahay maxuu uga aamusanyahay, yaa wax ka qaban kara xasuuqa Ogadeniya iyo su’aalo kale oo badan ayuu qoraalkan ka jawaabi doona. Intaynaan jawaabahaas  guda galin waxaan jecelahay inaan taariikhda dadka iyo dhulka Geeska Afrika sidu u dhiganyahay wax yar ka taabano.

Dadka Iyo Dhulka Geeska Afrika:

Dhulka Geeska Afrika oo ay ku nool yihiin qowmiyado aad u tiro badan oo Afrikaan ah oo lagu sheego in kabadan 115 qowmiyadood oo midkastaaba leedahay Af u gooni ah. Waxaa kamid ah Qowmiyada Somalida iyo Oromada oo iyagu ku hadla Kushetic, Sidoo kale qowmiyada Axmaarada iyo  tigreega oo iyana bahwadaag ku ah Luqada Semitic. Guud ahaan dadyowga Geeska Afrika waxay  kasoo wada jeedaan  Afka  Afro-Asiatic  iyagoo u siikala baxa Qoyska Kushetic iyo Semitic.

Qowmiyadahaas tirada badan waxay heystaan Diinta Islaamka, Kiristaan iyo dad aan waxba caabudin oo cawaan ah ayay isugu jiraan. Ma jirto taariikh dhab ah oo cadeynaysa qowmiyadahaas kore waqtigii ay Geeska Afrika yimaadeen iyo siday ugu soo kala horeeyeen. Dhamaan qowmiyadahaas midkastaaba waxa uu sheegta taariikh gooni u ah uu ku sheeganayo lahaanshaha Geeska Afrika.

Waxay badankoodu sheegtaan inay kasoo jeedaan Qowmiyada Carabta gaar ahaan Yemen. taariikh yahanadu qaarkood waxay sheegaan in Canfarta iyo Somalidu ay kasoo jeedaan Isirka Hamitic islamarkaasna Somalida Iyo Canfarta loogu yimid geeska Afrika. Dhinaca kale waxaa la sheega in Carabtu markii ay yimaadeen Geeska Afrika  inay ishdexgal lasameeyeen qabiilka Hamitic oo gabdho iska guursadeen ganacsi iyo isdhexgal bulshana ay yeesheen midaas oo keentay in la helo dad madow ah jinsi ahaan iyo dhiig ahaanba balse ku hadla luuqada Semitic oo ah mida Carbeed.  Qowmiyada Somalida, Canfarta iyo Oromada ayaa lagu sheega inay kasoo jeedaan isirka Hamitic.

Hadii taariikhdaas ay run tahay Geeska Afrika waxaa iska leh Somalida iyo Canfarta oo ay noqonaysa in looga danbeeyo. Hadii dhinac kale laga eego Qowmiyada Kushetic  ee Oromada, Somalida Iyo Canfarta ayaa ah tirada guud ee Geeska Afrika saddex meelood oo laba  iyaga oo haysta dhul ahaana mid taas kasii weyn. Waqtigii Diinta Ismaalku soo gaadhay geeska Afrika qowmiyadaha Somalida Iyo Canfartu waxay si buuxda u qaateen Diinta Islaamka oo ay isku dhaqi jireen shareecada Ismaalka halka Qowmiyada Oromada aysan wada qaadan Diinta Ismaalka oo intooda badan ahaayeen dad aan heysan diinta masiixiga iyo mida Islaamka midnaba waxayna caabudi jireen sanam Waaq ay ugu yeedhi jireen. Waqtigan hada la joogo Qowmiyada Orormadu waxay isugu jiraan muslimiin iyo kiristaan laga tiro badanyahay. halka canfarta iyo Somalidu 100%  ay yihiin dad muslimiin ah.

Geeska Afrika waxaa waqtigan aan joogno la isku yiraahda wadamada Somalia, Djibouti, Eritrea iyo Ethiopia waxaana ku nool dad gaadhaya in kabadan 100, million. Qabiilka ugu tiro badan waa qabiilka Oromada oo lagu qiyaaso in kabadan saddex qeybood  qeyb inay yihiin tirada guud ee Geeska Afrika, waxaa ku xiga qabiilka Somalida oo afar qeybood   marka loo qeybiyo  in ku dhow qeyb noqonaya halka qeybta soo hadhay yeelanayaan qowmiyadaha Axmaarada, Tigreega , Benshangulka, Hararida, Xamarta, Canfarta  iyo in kabadan 100 qowmiyadood oo kale oo intooda badan ku noolyihiin Wadanka Ethiopia iyo Eritrea.

Baaxad ahaan dhulkan waxa uu ka kooban yahay 1.882.857 km2. Midaas oo dhulka Somalida ka dhigaysa dhulka ugu baaxada weyn waxayna yeelanayaan laba qeybood marka loo qeybiyo qeyb dhulka guud ee Geeska afrika. (ma kujiro gobolka NFD oo isagu ah dhul somaliyeed balse ku yaala qariirada Kenya).

Diin ahaan Dadyowga Geeska Afrika waxay kala qaateen oo heystaan Diinta Ismaamka iyo Mida masiixiga iyada oo ay wali jiraan dad aan heysan labadaas midna oo cawaan ah. Mudadii Diinta Islaamku ku xoogaysatay Geeska Afrika ee qowmiyadaha Somalida, Oromada iyo qowmiyado badan oo dadyowga geeska Afrika ah qaateen si buuxda diinta Islaamka waxaa iska hor imaadyo xoogan dhexmaray qowmiyadaha laga tirade badan yahay ee Semitic gaar ahaan Tigreega iyo Axmaarada oo iyagu marna cawaan ahaa marna heystay Diinta Masiixiga islamarkaasna isku qabsaday geeska Afrika.

Daggaalkaas Diimeed ee ka bilowday Geeska Afrika waxuu sabab u noqday in markii u horeysay la bilaabo qoritaanka taariikhda Geeska Afrika oo raadraac leh. Waxii intaas ka horeeyay waa taariikh madow oo ninba dhan u qortay. Taariikhda la qorayna inteeda badan waxaa lagu sheegay oo ay xuseysay diimaha, midabka dadka iyo dhulka.

Boqortooyadii Masiixiga aheyd oo ay waqtigaas hoggaaminayaan qowmiyada Tigreega iyo Axmaaradu waxay bilaabeen inay qortaan taariikh sheegasho ah oo ay rabaan inay muujiyaan awoodooda iyaga oo sheeganaya inay Boqortooyada masiixigu tahay mid uu Allaah usoo dajiyay islamarkaasna taliskoodu yahay midka kaliya ee xaqa ah ee ka talin kara Geska Afrika. Iyaga oo Tixraacaya kutubta masiixiga kaashanayana qeysas madow iyo cadaanba leh waxay bilaabeen inay sheegtaan inay kasoo jeedaan Boqortooyadi Nabi Suleymaan Calayhi Salaam iyo Nabdi Daaud.

Waxayna bilaabeen Boqortooyo Solomonic Dynasty oo boqor kasta oo kasoo jeeda Boqortooyada kiristaanka ahi uu ku xalaalaysanayo xukunkiisa si uu dadyowga geeska Afrika u xukumo.

Qormada labaad waxaan ku eegi doona Sheegashada Solomonic Dynasty iyo caddeymaha ay heystaan iyo sidoo kale sheegashadoodu sida ay uga soo horjeedo taariikhdi samankaas. Midaas oo ah Mida Taliska TPLF ku dhaqmo iyo meelaha ay iska shabahaanba. Arrintaas oo aabo iyo hooyaba u ah xasuuqa ka jira Ogadeniya iyo dhulbalaadhsiga cadaalad darada iyo dulmiga ku dhisan ee TPLF-tu ku dhaqanto.  kala soco qormada xigta

Qormadan waxay gaar ku tahay qoraaga oo laga heli karo

Mustafe Ibrahim

najiib.shide@yahoo.com

Kobtan ka aqriso Faab Reeb: Tuug Malise ayuu ka tagaa (2011)

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay