Shacab marka lagu soo duulo oo la gumaysto, waxaa lagu barbaariyaa inuu ka liito gumaystayaasha, sidaa darteed ayuu shacabkaasi ku dadaalaa inuu barto afka Gumaystaha iyo dhaqankiisa, isagoo yasaya luqadiisii iyo dhaqankiisii suu isaga dhigo inuu ka horumaray heerkii uu taagnaa. Hasa ahaatee xidhiidhka ka dhexeeya S.Ogadenya iyo gumaysigii Xabashida wuxuu ahaa mid ka duwan sidaa. Wuxuu ahaa mid ku dhisan kuwii la gumaysanayay oo ka faanaya inay ku daydaan gumaystaha oo u arkayay inay xadaarad ahaan ka hooseeyaan. Waxaana dhacday inuu gumaystihii ka kororsaday ilbaxnimo dadkii uu gumaysanayay.

Maqaalkan xiisaha leh ayuu Q2aad qoraaga kaga warbixinayaa arima badan sida in – Xukumadii kala jaadka ahaa ee soo maray taariikhda Ethiopia iyo tan hadda jirtaa ay ahaayeen kuwo sabool ah oo ciidan aad u badan uruursada, maadaama ay dhul baadhsi iyo dagaal ku joog ahaayeen.Si ciidankaas ay ugu helaan Saad waxay ku dhaqaaqi jireen dhanka shacabka ama bulshooyinkii ay dhulbalaadhsiga ku qabsadeen, oo ay ka soo uruurin jireen hanti isugu jirta mood iyo nool.-

Maqaalkan xiisaha leh Q2aad ood ka heli doonto macluumaad badan oo taariikhi ah iyo arimaha ka jira hadda dalka;

Halkan Ka Akhri.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay