Waxaan ku soo gabagabaynay Qaybtii 1aad ee maqaalkan in mawqifkii uu qaatay Axmad nashaad ee ahaa inuusan xabad dambe ku ridin Itobiya, ka dib markuu ku qancay siminaarkii looga furay Sudan oo uu yidhi waxaa na afgambiyay Cabdisalaam iyo kooxdiisa oo ka soo horjeeday fikradaa, sidaa darteedna uu uga fadhiistay siyaasadda, uu ka baxay markuu noqday madaxa Gaashaan-dhigga ururkii UWSLF ee lagu dhisay Villa Somaliya. Miyaanay arintaasi muujinaynin ujeedada laga lahaa dhisidda iyo hubaynta ururka UWSLF? Iyo sababaha ay u galeen Ogadenya, taasoo ka muuqatay falalkii ay ka fulinayeen Ogadenya bilow ilaa dhamaad.

Hadaba markay suurtagali waayeen qorshihii loo dajiyay oo gudaha ay waxba uga fulin waayeen ayaa loo gudbay marxaladda aynu hadda ku jirno ee ah in siyaasad ahaan loo wiiqo ONLF ilaa ay ka ogolaanayaan heshiiska ay doonayso Itobiya. Waana midda hadda socota oo sida aan ka maqlay hadalada Axmad nashaad intaan is-horfadhinay uu ku dadaalayo Hirgalinteeda. Hoos ka akhri oo ka dhagayso qaybyar oo ka mid ah doodaa;

Halkan Ka Akhri.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay