Maanta oo ay taariikhdu kubeegnayd 19/04/2013 waxaa xerada Dhagaxley ee deegaanka Dhadhaabkadhacay shirwaynihii ururka OYSU fariciisa Dhagaxley shirwaynahan oo dhaca sanadkiiba hal 1 mar ayaa lagu doortaa maamulkii hogaaminlahaa sanadka soo socda ayaa manta maamul cusub loogu doortay OYSU Dhagaxley,

Shirka oo furmay abaare 2;00 duhurnimo waxaa sidii caadada ahay furay xoghayihii hore ee oysu Dhagaxley mudane c/naasir wuxuuna ugu horaynba kusoo dhaweeyay sh c/majiid oo aayado qur’aan ah iyo wacdi diini ah kasoojeediyay madasha shirka wuxuuna sheekhu kunuux nuuxsaday fadliga uu jahaadku leeyahay iyo sida loogu baahan yahay in ay dhalinyaradu kujahaado naf iyo maalba

Sidoo kale xoghayaha ayaa madasha shirka kusoo dhaweeyay naftii hure haybe oo shirka marti ku ahaa wuxuuna n/huruhu tilmaamay sida loogu baahan yahay in ay dhalinyaradu ugu dagaalanto qalin ama qori wuxuuna sheegay OYSU oo jirta mudo aan kabadnayn 3 sano in ay caalamka oo dhan gaadhsiisay qadiyada xornimada loogu raadinayo shacabka ree ogadenia wuxuuna n/huruhu dhalinta madasha shirka fadhiday kubaraarujiyay in ay maskaxdooda iyo wakhtigoodaba u huraan ciidoodii uu gumaysigu marooqsaday

Waxaa sidoo kale lagusoo dhaweeyay halgame bashiir oo ahaa kuxigeenka xoghayaha ahna afhayeenka OYSU Dhagaxley wuxuuna kawarbixiyay dhacdooyinkii ugu danbeeyay ee kadhacay gudaha ogadenia wuxuuna kawarbixiyay isasoo dhiibista qaar kamid ahaan jiray ciidamada hawaarinta oo garwaaqsaday diintooda iyo dalkoodu xaqa ay kuleeyihiin wuxuu sidoo kale kahadlay qaabka kala talo qaadashada iyo sida jaranjarta ah ee uu maamulku yahay

Intaas kadib waxaalagudo  galay doorashadii waxaana shirkii lagu wareejiyay gudigii farsamada oo sooxushay 3 mudane oo kamid ah xubnaha ugu firfircoon guud ahaan faraca midnimo Dhagaxley iyo oysu Dhagaxleyba waxaana madasha lagu doortay Bashiir C/laahi oo horaan usoo hayay xilka kuxigeenka xoghayaha.

Waxaa hanbalyo iyo soo dhawayn buuxda goobta kasoo jeediyay xog. Hore ee xilku kadhamaaday wuxuuna goobta kasoo jeediyay khudbad qiimo badan oo dhaxalgal ah.

Guud ahaa shirka ay si xiisa leh ugu soo qaybgaleen, wuxuu kusoo gaba gaboobay jawi aad udagan iyo wajiyo farxad leh oo kamuuqday xubnihii madasha fadhiyay, waxaana shirka soo xidhay xoghayaha cusub oo khudbad gaaban kasoo jeediyay madasha isagoo codsada in si niyad wanaag ah loola shaqeeyo iyadoo ay xubnuhu balan qaadeen in ay lashaqayn doonaan/

G/gundiid

ONA dhadhaab

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay