(Muqalkan guji si aad u aragto qoraalka wargeyska)

Wargeyska weyn ee aftenbladet oo ah wargeysyada ugu afka dheer wadanka Norwey ayaa ka faalooday ceebti iyo fadeexadi soo gaadhay Ambasadorka Ethiopia u fadhiga wadanka Sweden oo shir damacsaneyd inay ku qabato magaalada Oslo ee wadanka Norwey. Shirkaas oo Poliska Wadanka Norwey hor istaagay iyada oo laga saaray shirkii iyada iyo wakiilkeeda wadanka Norwey.

wargeyska ayaa sheegay in ambasadorka Ethiopia shirkiisa uu kasoo qeyb galay kaliya iyada iyo qunsulkeeda dadkii shirka yimaaday ee Ethiopianka ahaana ay dhamaantood ahaayeen dad mucaarad ah oo kasoo horjeeda Ambasadorka iyo ujeedada ay wadato.

poliska norwey ayaa si ilbidhiqsi ah kukala saaray labada qof ee safaarada Ethiopia ka socday iyo 300 qof oo si xoogan u madaharaadaya kadib markii amaanka labada qof ee safaarada ka socday loo baqay oo kala ahaa Safiirka Ethiopia u fadhiya wadanka Sweden iyo qunsulkeeda wadanka Norwey u jooga.

Wargeyskan aftenbladet ayaa sheegay in safiirka Ethiopia uu rabay innuu dadka lacag ka aruursado lacagtaas oo si xoog ah looga arruursanayo muwadiniintan. Waxa wargeysku fadeexad ku sheegay in dadka markii ay rabaan inay Viso u doontaan safaarada Ethiopia si ay wadankoodi hooyo u booqdan inaan lasiin doonin wax viso ah hadduu qofku bixin waayo lacagtan xooga lagu aruursanayo.

Wargeyska ayaa sheegay in gumeysiga ethiopia uu ololahan kawado adduunka oo dhan sida Sida wadamada Carbeed, South afrika iyo wadamada ree galbeedka oo dhan. Balse markasta oo ay isku dayaan shirarkan lacagta lagu arruursanayo in fadeexad la kulmaan iyo mudahaaraad xoog badan.

ONA

 
 

1 Comment

  1. Amiin says:

    Asc salaan kadib away qaybtii sadexaad ee howlgalkii cirkiidh
    Guul iyo gobonimo
    Rage cali

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay