CWXO ayaa 11/04/2013 weerar mir ah ku qaaday fadhiisin ay ciidamada gumaysiga Itobiya ku lahaayeen deegaanka lagu magacaabo Masaara oo Dannood katirsan waxaana weerarkaas mirta ah askarta gumaysiga Itobiya lagaga dilay 11 Askari waxaana lagaga dhaawacay 12 kale

05/04/2013 Sammu oo Dannood udhow  waxaa lagu dhaawacay laba kamid ah askarta gumaysiga Itobiya.

Dhinaca kale 13/04/2013 Magaalada Awaare ee gobolka Dhagaxbuur waxay askarta gumaysiga Itobiya ku xidheen;

Istaahil Cabudlaahi Dhuub Iyo Xiis oo aanan helin magaciisa oo dhamaystiran.

17/04/2013 farmdow waxay ciidamda nacabka ah ee gumaysiga Itobiya ku xidheen; Nuura Axmednuur Ibraahim.

Xasuusin:

Labadii todobaad ee la soo dhaafay waxaa aad uga baxsanayay xeryaha ciidanka Itobiya maxaysatada Hawaarinta ee dabadhilfyada Ina Ilay iyo kooxdiisa ay ugu talagaleen inay dhufays uga dhigaan ciidamada cadawga. Dhalinyarada soo baxsanaysa ayaa isugu jira qaar la soo qasbay markii horeba oo shuruuda xabsiyada looga soo daayay ay ahayd inay ku biiraan Hawaarinta iyo qaar iska soo taagay hadda dhibaataynta shacabka iyo inay koox yar ku danaystaan. Arimahaa ayaan maqaalo iyo warar xiisa lehba idiinkaga soo diyaarin doonaa.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay