”Everything in the world now is so delicate, which is merely another way of saying that nobody seems to have any real understanding of how the economic system works at all or why it works so dangerously –that the policy of all parties seems to be rather to bear the ills we have than to fly to others which we know not of.” Prof. Frederick Soddy, Noble Price winner in Chemistry in the 1930s. Wealth, Virtual Wealth and Debt: The Solution of the Economic Paradox.

Waxaa baryahan dambe badatay sheegashada beenta ah ay Ethiopia sheeganayso inay xaga dhaqaalaha horumar ka gaadhay.  Haddaba waxaynu qormadan ku eegi doonaa bal waxa kajir shegashadaas. Waxaa ayaandaro ah inay jiraan qolyo reer galbeed ah oo raba inay beentaas  aan sal iyo raadka toona lahayn dadka ka dhaadhiciyaan. Waxaa kale oo layaab leh kuwii beenta sheegay inay beentoodii markay ku celceliyeen ay iyaga laftigoodu run u qaateen. Carabtu waxay tidhaahdaa * Al- Junuun Funuun* oo micneheedu yahay [ waalidu way noocyo badantahay].

Golaha dhaqaalaha aduunka (World Economic Forum) wuxuu leeyahay 12 qodob (Pillars) oo lagu qiyaaso dhaqaalaha ,  kuwaasoo muhiim u ah qiimaynta kaabayaasha dhaqaalaha aduunka.

1.)    Waa inuu jiro xarumo aqoon iyo karti uleh inay dhaqaalaha mareeyaan.

2.)    Aasaaska wadanku kudhisan yahay (Infrastructures).

3.)    Dhaqaale aad ubalaadhan (Microeconomic environment).

4.)    Adeegyada Caafimaadka  & Waxbarshada dadka oo dhan gaadha.

5.)     Waa inay jiraan xarumo tacliinta Sare & Farsamada gacanta lagu barto.

6.)    Ganacsi xor ah ooysan dawladu wax farogalin ah kulahayn.

7.)    Suuqa shaqda oo xor ah kuna filan shaqaalaha.

8.)    Bangiyada oo si toolmoon maalgalinta  dhaqaalha u kalawada.

9.)    Awood isku filaansho oo xaga Technologyada ah.

10.) Wadanku waa inuu hal abuur leeyahay (Innovation).

11.) Canshuur aan musuq-maasuq lahayn.

12.) Suuq aad ubalaadhan oo baaxad wayn leh.

Hadaba iydoo la adeegsanayo 12-ka qodob oo lagu qiyaaso  kaabeyaasha dhaqaalaha (Pillars) ayay war bixin soosaartay Qaramada Midoobay  bishii hore,  warbixintaas  oo lagu eego  horumarka nolasha banii aadamka (Human Development Index) waxay Ethiopia gashay kaalinta 173-aad waxaana ka danbeeyay oo kaliyah dhawr wadan. Golaha dhaqaalaha aduunka (World Economic Forum) iyaguna warbixin kale  ooy soosaareen oo lagu eegayo kaabayaasha dhaqaalaha wadamada warbixinta laga soosaaray oo ahaa 144, waxay Ethiopia kagashay kaalinta 121-aad.

Dawlada ay Wayaanuhu (Tigreygu) utaliyaan, kaabayaasheeda dhaqaalaha lagu xisaabiyo oon wali aduunka horay loogu arag ayay adeegsanayaan markaas waxay rabaan bay sheeganayaan iyagoon wax mabaadii, ah (principle) kusalaynin.

Markay wadanka qabsadeen waxay lahaayeen waxaan ku dhaqmaynaa dhaqaalaha hanti wadaaga (Socialist Economic Principles), dhawr sano markay joogeena waxay yidhaahdeen waxaanu qaadanay qaabka hanti goosadka ah (Capitalist, NeoLiberalizim laisser-faire), hadana  waxy dhaheen waxaan qadanayanaa qaabka dhaqaalaha ee wadanka Germany (Stake holders wealth Maximization), kadibna waxay dhaheen ka Shiinaha (Command Economy) ayaan qaadanaynaa  oo ka fiican wakhtigan xaadirka ah waxay bilaabeen inay ku daydaan qaabka dhaqaalaha wadanka Koonfurta Kuuriya (South Korea). Halkaas waxaad kacad oon kafahmi karaa jahawareerka dhaqaalaha wadanku uu kujiro oo aynan dadka wadanka ku nooli wax samayn ah aysan ku lahayn oo uun hal xisbi ku amar ku taaglaynayo.

Sheegashadan ay Ethiopia sheeganayso inuu dhaqaaalaha wadanku 10-kii sano ee oogu dambeeyay  horumar lataaban karo gaadhay  si,ay beesha caalamka ooga dhaadhiciyaan aritaas wax kasta oo suuragal ah way isku dayeen. Hadaba sheegashadan ay xukuumada Ethipian sheeganayso inuu wadanka horumar lataaban karo kajiro ayaa waxaa bilcakis kunoqday  nolasha & xaalada ay kunoolyihiin  bulshada wadankaas kudhaqan oo runtii ah mid aad loolayaabo. Magaalo madaxda Addis Ababa ayaa waxaa jidadka ama wadooyinka  kunool dad kabadan 85,0000 oo qof waxaan meelaha qashinka lagu daadiyo  cunto uraadsada oo kunool ilaa 25,0000 oo qof.

Fadlan bal filimkan hoose daawada.

Magaalo madaxda Ethiopia ee Addis Ababa waxa laydhka loogu qaybiyaa (Electric rationing) xaafadaha qaar wuxuu jeerigaanka biyaha ah marayaa 15 Birr, 100ka Doolar ee Maraykanka ah ayaa waxaa sarifkiisu marayaa 2,300 Birr. Kiintaalka daafida ah ayaa waxaa la sheegayaa inuu isna marayo 1800 Birr. Waxaa kale oo jirta in bishii hore ee la soo dhaafay oo kaliya ay wadanka Yemen galeen qaxooti kabadan 65,000 oo qof oo Ethiopian ah. Dhinaca kale waxaa badatay dhibaatada jirta awgeed iibinta caruurta ama waxa looyaqaano (Child Adoption Industry) ooy Ethiopia kagashay kaalinta koobaad ee aduunka.

Fadlan daawo filimkan hoose :

Wax soosaarka wadanku (GDP-ga) wuxuu ku tiirsanyahay 46% wax soosaarka beeraha ka soobaxa. Shaqo abuurkana waxay ka noqotaa 85%, hadaba wadanka dhaqaalihiisu sidaas beeraha oogu tiirsan wax ukordhay oo wax soosaar ah oo lataaban karo majiraan. Waxaa iska qoran oo kaliya lambaro badan oon bulshada wadankaas & khubarada dhaqaalaha ku takhasustay ee aduunka aan wax micno badan ah ulahayn .
Canshuurta wadanka Ethiopia soogasha (In land Revenue) waxay kasoo gashaa 65% 3-da gobol ee Soomaalida Ogadenia sida Jigjiga, Dawanle (Shiinle) & Dollow.

Bal aan isla eegno wadamada inay horumaraan & inkale kaabayaasha lagu qiyaaso. Inta badan waxaa la xisaabiyaa wax soosaarka wadanka sanadkii hal mar taasoo loo xisaabiyo wax soosaarka wadanka oo la badalay lacag (Monetary) oo labarbar dhigay wax soosaarka sanadkii hore markaas ayaa la dhihikaraa sanadkan wadan hebel dhaqaalu wuu kordhay ama hoos buu udhacay. Waxaana lagu xisaabiyaa sida hoos ku qoran. GDP mpt=1 – 1> 3% … GDP mp t= 0… Wax soosaarka wadanka oo lagudaray Service-ya sida Hotel-da, Gerajyada & Transportga iwm oo looqaybiyay shacabka wadankaad kunool ayaa waxaa soo baxaysa calaa qof inta kusoo aadaysa ( GDP per capita). Waxaa kale oo jirta hadii uu dhaqaaluhu waxyar uu kordho oo sicir bararku aad ukordho lamadhihi karo dhaqaalihii baa kordhay. Ethiopia waxay kufaantaa in dhaqaalaha wadanku uu kordhay 7% meesha uu sicir bararku gaadhay 38% (Ethiopia Inflation 38% GDP per Capital 900). Awooda wax iibsashada dadka (Purchasing Power Parity) ayaa yaraanaysa marka uu sicir bararku kordhaba marka labadaas lakala jaro ayaa waxaan soo baxaya dakhliga rasmiga ah( Real Income).

Ethiopia dakhligeedu wuxuu sanadkii hore ahaa caala qof 900$ meesha uu dakhliga Kenya(The Economic Power house of East Africa) ka ahaa 1800$ sanadkii, wuxuuna ka badanyahay 100% lamana buunbuunyo dhaqaalaha wadanka Kenya (Kenya Inflation 10.6% GDP per Capita 1800 ), sheekadan waxay isoo xasuusisay sheeko uu bari nin oday ah nooga sheekeeyay . Wuxuuna yidhi “ Nin baa nin geed saaran uyimid , markaas ayuu kuyidhi war kudili maayo ee soodag, markaas, ayuu ninkii geedka saaraa kuyidhi meeshaad kabilowday ayaaba xun mar hadaad tidhiba kudili maayo inay arrimo kale kuu qarsoonyihiin baad ii sheegtay markaas buun buuninta dhaqaalaha Ethiopia siyaasad baa kujirta laakiin waa wax xaqiiqada aad ooga fog.

Maxaa marka hadaysan siyaasadi kujiin Ethiopia dhaqaaleheeda heer uusan gaadhsiisnayn loo gaadhsiinayaa? kolay ujeedo ayaa kadambaysa. Waxaad filimaantan ka,arkaysaan baahida dadka haysa oo kutusaysa inaysan waxba ukordhin. Waxaa kaloo iyaduna xusud mudan in dhulkii dihnaa ee wax soosaarka Ethiopia uu kutiirsanaa laiibiyay (Land Grab) oo laga xaraashay laguna kireeyay 10-Pound halkii heektar taas oo buuq badan dhalisay dadkii kunoolaan jiray dhulkaas labarokiciyay wax lootaro iskadaaye beerohoodii baa lagaqaatay. Meeshay dadku kabeeran jireen qamandi & gallay iyo waxyaabo kale ooy dadkaasu quutaan waxaa hada lagubeera Shaah, bariis & cudbi (Cash Corps) kuwaasoo xataa dhulka nabaad guurinaya. Hadaba dawlada Ethiopia waxay u,aragtaa inay maalgashi tahay (Foreign Investment) ooy ka helayaan lacag adag (Hard Currency) laakiin waxaa cad iskadaa lacagay dhulay kireeyeen kahelaan Balaayiin ay kahelaan bulshada caalamka ayaa waxay gashaa jeebka shaqsiyaad tiro kooban ee wadanka kataliya wadanka maanta waxaa laga la’yahay lacagta adag waxaana kudhacay (Capital Outflow) oo bangiyadii baa lacag adag laga la’yahay.
Dhaqaalaha wadanka Ethiopia intabadan waxaa loo isticmaala si qayro masuul nimo ah, waxaana loo adeegsadaa si dadka loogu cabudhiyo.

Waxaa kale oo jirta barnaamijyo horumar (Development Programs) ooynan lacag kuhelin sida Airport-ga Addis Aba ooy dawlda Kuwait oogu deeqday, Ring roads quruxbadan ooy dawlada Shiinuhu oogu deeqday iyo daaro dhaadheer oo kuwii hantida dadwaynaha boobay ay dhisteen ooy Addis Ababa ka dhisteen. Waxyaabahaas oo dhanna waa hal qodob oo kamid ah 12-ka halbeeg ee lagu qiyaaso kaabayaasha dhaqaalaha.
Wadankuna Addis Ababa uun ma aha. Nin Itoobiyaan ah ayaa laguyidhi wadankii wuu horumaray oo laami baa la,idiin dhisay markaas isagoo xaalada wadanku uu kujiro ogg ayaa wuxuu yidhi, ”Isfalt iko aybalam”, oo uu micneheedu kadhiganyahay laamida miyaa lacuni.
Halista jirta ama ku soo food leh ayaa waxay tahay siyaasada wadanku haday hagaagsantahay dhaqaaluhuna waxaa laga yaabi inuu hagaaagi lahaa markaa siyaasada dawlada Ethiopia ayaa waxay tahay mid kudhisan cudud Military taasuna haday shaqaynayso waxaa wadanka xoog kuhaysan lahaa Mangestu Hailemariam. Dhinca kale waxay Ethiopia ku nooshahay caawimaada ay dunida kahesho (One of the top foreign Aid Recipients country in the world) waxaa hadda taas saamayn wayn kukeentay recession-ka ama dhaqaale xumida aduunaka ka jirta.

La soco Qaybta 2aad.

Qore : Maxamad Macallin.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay