Dood Cilmiyeed ay qabatay Hayàdda lagu magacaabo Centre for Conflict Resolution ayaa Xalay lagu qabtayMagaladaCapetown South Africa Dood Cilmiyeedkan ayaa ciwaankedu waxa uu ahaa Siyaasada Maraykanka ee ku wajahan Africa (United State Policy towardsAfrica).

Waxaa Shirkan soo qaban waabiyay Hayàddan lagu magacabo Centre for Conflict Resolution ee xaruntedu tahay wadankan South Africa oo sanad walba dhowr mar qabata dodo ku saabsan Africa hadaba Goobtan Shirkan ka dhacayay ayaa waxa lagu casuumay oo goob joog ka ahaa su aala badana laga waydiinayay Us Consul-General Cape town South Africa Erica Barks-Ruggles iyo Pro Gilbert Khadiagala oo ka socday Wazaarada xidhiidhka Calamiga (Head Department of International Relations), Dr Palo Jordan   oo ka socday Xisbiga wadanka South Africa taladiisa haya ee ANC Waxa kale oo ka soo qayb galay dad aqoon yahano  aad u fara badan iyo saxafada south Africa waxa kale oo goobta shirka lagu casuumay Ururka Dhalinyarada Ardayda Somalida Ogadenia ee marka la soo gaabiyo loo yaqano OYSU oo uu horkacayay Xoghayaha OYSU Cape town Mudane Abshir Mohamed Fatule & Gudi ka socdo Jaaliyada Somalida Ogadenia JOKA ee faraca Cape town waxana Hogaaminayay Hogaanka Arimaha Bulshada Mudane Maxamed Sheikh , Hadaba Shirkan oo ahmiyad weyn  lahaa doodiisana ay ka qayb qateen waftigii kasocday jaliyada ogadenia  waxa kale oo goobta jogay Jaliyada Oromo da.

Hadalka ugu horayay waxa qaatay Dr. Palo oo shirgudoomiyaha shirkan ahaa waxa uuna ka hadlay Tariikhda dheer ee soyaalka ah ee Qaarada Africa & halgamadii dheeraa ee ay u soo mareen wadamadaAfricamadaxbananidooda.

Kadib waxa lagu soo dhawayay Qunsulka u fadhiyo magalada cape town

USA Cape town Ms. Erica Barks- Ruggles oo ku dheeraatay Xidhiidhka ay leeyihiin Marakanka iyo mudowga Africa iyada oo shegtay In wadamabadan oo Africa ah ay ka jogaan ciidama aad u badan ayada oo xustay wadamadaas Jabuti oo ay sheegtay in 10.000 oo ciidan ah ay jogaan wadanka Djibouti waxa ay sheegtay ciidamadas waxa loo gayay in ay tahay si ay geeska Africa uga dabar gooyaan waxa ay ugu yeertay Argagixisada (Terrorist) waxa kale oo ay sheegtay in ay gacan weyn ka gaystaan sidii ay Somalia nabad uga dhalan la`hayd ayada oo shegtay in ay taba bar siiyaan Amisom iyo cidamada Dowlada Somalia .

Waxa kale oo ka hadlay Prf Gilbert oo tibaaxay in ay tahay Africa Qaarad Qani ah una bahan tahay in sida dalka marakanka Beeralaydeedu u hormarsan tahay in loo hor mariyo dhulbeereedka.

Kadib waxa lagu wareejiyay dad kii ka soo qayb galay Doodcilmiyedkan oo shaqsi walba oraahdiisa ama fikirka uu aamisan yahay meshaas ka jeediyay

Waxaa nasiib u yeeshay in codbaahiyaha lagu soo dhaweeyo Xoghaya OYSU Cape town, oo kahadlay laba arimood oo kala ah,dhaqaalaha uu dalka maraykanku siiyo itoobiya oo uu sheegay in lagu dabar gooyo dad shacab ah oo aan , waxba galabsanin,Mr faatule ayaa ka codsaday goobtaas in dawlada maraykanku ay dib u fiiriso qaabka ay dawlada itoobiya u isticmaasho deeqda dhaqaale ee la siiyo Dolwada Ethiopia ,Arinta labaad oo uu ka hadlay ayaa ah in dalka South Africa uu Hogaamiya Qaarada Africa sidaas daraadeed uu waajib ka saran yahay in ay xal u halaan dhibaatada ka tagan Gobalka Ogadenia sidii ay door weyn uga ciyaareen tii South Sudan iyo Zimbabwe, waxa kale oo ururka Oysu halkaas ku qaybiyeen Waraaqo (Documents) ka kooban 8bages oo ka hadlayay dhibka ka jiro gudaha ogadenia ee ay gaysanayaan Gumaysiga Ethiopia una gaysanayaan Shacabka Somalida Ogadenia ee Birimagaytada ah.

Ms. Erica Barks- Ruggles oo jawaab waafi ah ka bixisay Araahdii Xoghayaha Oysu ayaa shegtay in ka xun tahay dhibka ka jiro Ogadenia waxa kale oo ay shegtay in Africa aynan u bahnayn Hogaamiya Adag laakiin se ay u bahantahay Sharci & Xeer adag.

Isku soo wada duuboo Dood Cilmiyedkan ay qabatay Hayàddan  Centre for Conflict Resolution Ayaa waxa uu ku soo dhamaday Jawi aad u wanagsan aad na ugu faraxsanayeen Ka soo qayb galayaashii Shirkaas.

M.A.SALAM/Cape town,South Africa

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

  

 

 

 

 

 

 

 

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay