Alle ha u naxariistee marxuum Cabdiraxamaan Cabdulaahi Muxumed waxa uu dhashay sanadihii kontameyadii waxa uuna ku dhashay degmada birqod oo ka tirsan gobolka Jarar isla deegaanka dagmadaa ayuuna ku soo barbaaray  marxuumku isaga   oo da yar ayuu ka mid noqday jabhadii WSLF waxaana loo yaqaanay naanaysta ah Dhoolayare. Marxuumku madaxda uu si gaarka u lashaqeeyay waxaa ka mid ahaa ala ha u naxariistee Cismaan Xasan Cabdulaahi {cismaan gaab} oo ahaa taliyihiisii sida uu ii sheegay.

Ka dib markii ay burburtay WSLF waxa uu ku biiray ciidamadii xooga dalka ilaa burburkii Soomaliya.

Ka dib waxa uu ku soo laabtay dhulkiisii hooyo waxaana uu u badnaa deegaanka jigjiga iyo Harar inkasta oo uu reerkiisa iyo caruurtiisu daganayeen Birqod. Halkaas ayuuna halgame Cabdi Cabdulaahi kala qabsaday dhaq-dhaqaaqa Jabhada Wadaniga Xorayna Ogaadeenya. Waxa uu markii ugu horaysay noqday gudoomiyaha ururka dhalinyarada jabhda ee xafiiska Herer 1992kii  ka dib waxa uu xubin ka Noqday gudigii maamulka ee xafiiska Herer. Waxaana uu mudo kooban ka hawl galayay xafiiska Herer, Jigjiga  iyo Baabali isaga oo al shaqayn jiray mudane Sulub Cabdi oo ahaa markaa wakiilka jabhada ee deegaanadaas.

Shirkii golahadhexe ee  bilawgii 1993 ayuu C. Cabdulaahi ka mid noqday golaha dhexe ee JWXO. Waxaana isaga iyo saxiibkii Sulub Cabdi iyo Qaji loo badalay xafiisdka Jigjiga ee jabhada ka hor intii aanuu bilaabanin dagaalka.

Waxaan aniga markii ugu horaysay la kulmay xiliga aan kor ku soo sheegay walaw aanan markaas wax aqoona isu lahayn. Waxa uu ka mid ahaa rag xiligaa u hawlgalay deeganka Qubbi oo uu hogaaminayay n’hure Deeq Cabdi Raasin halkaasoo uu mudo soo joogay, waxaana ay halkaa kula kulmeen madax ka tirsan jabhada OLF  waana markii ugu horaysay ee kulamo ay yeeshaan labada jabhadood.

Marxuumka waxaan si fiican isu baranay ka dib markii weerarka lagu soo qaday xarumaha jabhada ee ay bilaabatay xabada hada socota waxa uuna ka mid ahaa ragii aan ku daahin magaalooyinka ee u hogaansamay go’aankii lagaga baxay  magaalooyinka dalka 1994kii 20kii April.

Marxuumku waxa uu qabtay shaqooyin badan intii uu hawshan ku jiray. Wuxuu noqday markii ugu horaysay gudoomiye ku xigeenka aaga Qoraxay ka dib waxaa loo badalay aaga Goday oo uu masuul ka ahaa, waxaa mar kale loo badalay Doollo.

Hadaba markii la qabtay shir waynihii labaad ee jabhadda 1998kii ayuu ka mid noqday markii ugu horaysay Gudiga fulinta ee jabhada isaga oo noqday Hogaanka Arimaha Gudaha.

Sanadkii 2000 shirkii Dhalacad ayaa mar kale  loo magacaabay Hogaanka Arimaha Gudaha isla markaana waxa uu sii haye ka ahaa Hogaanka Gaashaandhiga oo uu ku magacawnaa Cabdi kariim Muxumed Xaaji.  Hawshaas ayuuna hayay mudo ku dhaw 9 bilood iyadoo markii danbe xilkiii  Arimaha gudaha uu la waregay Sulub Cabdi Axmed. Shirkii nafasiid ee 2001 ayuu mar kale noqday Hogaanka Arimaha Gudaha waxaana uu hayay xilkaa ilaa uu ka wafaday.

Marxuumka waxaa lagu qabtay  Ceelbaxay  sanadkii 2001 ka dib markii uu ka soo socdaalay magaalada Burco dhulka Soomalida isaga oo ay la socdaan laba nin oo kale waxaana la keenay magaalada Nusdariiq halkaa waxaa lagu dilay nin ka mida ragii lala qabtay oo la odhan jiray Xasan. Isaga iyo ninkii kale ee lala qabtay waxaa la geeyay Qabri dahar oo mudo ay ku xidhnaayeen ka hor intii aan loo qaadin kor iyo magaalada Herer.  Mudo sanad iyo wax la jira ah ayuu gacanta cadawga ku jiray, Ilaahayna waa ka soo daayay ugu dambayntii.

Marxuumku laba jeer ayuu noqday ku-simaha Gudoomiyaha ee xarunta dhexe waxa uuna ka shaqeeyaya inta badan wadanka oo uu aad u maray. Waxa uu caan ku ahaa socdaalo dhaadheer oo uu ku maro deegaanada wadanka sidoo kale waxa uu ahaa nin xidhiidh badan oo la shaqeeya bulshada uu ku dhex nool yahay.

Marxuumku waxa uu ahaa nin jecel inuu wax cusub abuuro waxaa kale oo uu ahaa nin aad u jecel in halganka saldhig looga dhigo gudaha Ogaadeenya madaxduna ay halkaas u badnaato.

Wuxuu ahaa nin fikir cad oo soo jeedin badan. Dhanka siyaasada waxa uu caan ku ahaa inuu raadiyo waxa uu ku maqan yahay cadawgu iyo inuu isku dayo inuu abuuro wixii lagaga hortagi lahaa, inkasta oo marxuumku ku baxay si shirqol ah hadana waxaan ku tirin jirnay dadka ugu taxadarka badan jabhdaa hadii uuna noqoninba qofka koowaad.

Marxuumku waxa uu guursaday shan haween ah hadase laba ka mid ah way kala maqnaayeen waxaana ku xidhnaa 3 xaas iyo 8 caruura oo uu dhalay iyo 4 caruura oo ay sii dhaleen dadkiisu. Wuxuu guu ahaan ifka kaga tagay 12 caruura iyo saddex xaas.

Alla ha u naxariistee marxuum Cabdi cabdulaahi waxaa aad looga yaqaan Ogaadeenya nacab iyo nasteexba, taariikh halganeed adag ayuuna ku dhex leeyahay wadankiisa hooyo.

Dhanka cibadada runtii aad iyo aad ayuu ugu fiicnaa waxa uuna jeclaa in wax wanaagsan lagaga daydo. Waxa uu ahaa halgamaa geesi ah oo dagaala badan ka galay. Wuxuu ahaa Allaha u naxariistee Cabdi cabdulaahi qof aad u jecel nadaafada iyo quruxda laakiin aan isla waynayn oo aan kibir ka muuqan, cibaadada iyo Alla ka cabsiga ku dadaala oo aanay ka tagin salaadaha, gaar ahaan midda habeenimo. Qur’aan akhris badan.

Marxuumka waxa uu yimid wadanka keenya sanadkii 2010 bishii May. Marxuumka  alla ha u naxariistee waxaa la  dilay  19kii June habeen Axad soo gashay , waxaana lagu dilay magaalada Nayroobi xili fiidnimo ah. Waxaa maydkiisa la geeya isbitaalka Kenyata 10:30  ee fiidnimo.

Marxuumka waxa lagu dilay  shirqool aad loo abaabulay oo ay ka danbayso dawlada itoobiya oo adeegsanaysa canaasir lagu raad joogo.

Waxaana marxuumka Ilaahay uga baryaynaa inuu naxariistii jano ka waraabiyo inagana uu samir iyo imaan inaga wada siiyo.

AAMIIN  AAMIIN AAMIIN

ONA

MAXAMED SHARRIF.

 
 

7 Comments

  1. wardheer says:

    inaa lilaahi wa inaa ileehi raajucuun waxa aan leeyahay oo aan Alaah uga baryayaa janatul fardowso kuwa ku lug leh ee somalida ah waxa aad ogaataan in aan laga idinka hadaynin ilaa inta gacanta la idinku soo dhigayo saas ogaada umada ogadenya waxa aan leeyahay u aara oo haka seexanina geesigeenii shihiiday marna ha nyad jabina oo ha is dhiibina inta hal ruux inaga noolyahay dhanka cadawga waxa aan leeyahay waxa aad ogaataan in aan idinku soo maqanahay oo aanan marna idin cafindoonin hadii aan addis wax ka daran ka dhicin hukeenu wax ma dilo

  2. geele says:

    alaha unaxariisto cabdi cabdulaahi waxa uu ahaa halgame naftii hure ah oo kudayasho mudan. dhamaan umada s.ogadenia iyo jwxo iyo taageerayaasha jabhada iyo ehelkii uu katagay alaha unaxariistee galgamaagu waan uga tacsiyadaynaynaa geeridan naxdinta leh inkasto oy fiicnaan lahayd in uu ku shihiido ogadenia hadana nafi meel ay kubixi ilaah baa garan cidii kadanbaysay dilkaa waxashnimada ah ee fulaynimada ah inshaa alaah gacanta ayaa lagu soo dhigi jwxana way u aari dhamaan halgamayaasha sharafta badan

  3. Geeri-gaad says:

    INNAA LILLAAHI WA INNAA LIILLAAHI RAAJI CUUN, ALLA NAXARIIST IISA HAKA WARAABIYO, SIDA ALLE IYO RASUUL KIISU {SCW} INOOGEENA WAA MUJA AHID, OO TUBTII TOOSN AYDBUU KUTAAGNAA N/HURE CABDI C/LLAHI. Takale waxaan leeyahay; Wallee inaysan laakiin ahayn laydha socotaaye libin baa dhaw ruuxii jihaa d labta ku hayoowe. N/Hure/Mujaahid Cabdi C/llaaì maanta isagaa hooskii ALLE hadhsanaya wuxuuna kuguulaystay darajoo yinkii uu jihaadka gaa lada ugula jiray inuu miduun heelo, waliba tuu helay waa lagama guuraantii rabi amaan ay, Nacabkii ku xuma an iyo cadaab doontay na dunidana waa lagu daba taagan yahay oo nan marnaba lagaga hadhaynin, aakharona Abaal marinta RABBI iyo cadaabaa uga hore eya! Shacabka 0gaden yana waxan leyahay; meelkastoo ay joogaa nba;- Tubtatoosan ee Jihaad kaan haysanba y Taladu seegtaa ye. Tiraabtii Rasuulkii {SCW} kadiiday kakur aacsanbay taladu see gtaaye. Talaado iyo khamiis Jimacaha kii diidaybay Taladu seeg taaye. Ku Tikhraariyaa yoo gaal Jihaad Tafant oof kudhaca, Miida ka gayeela. Tubtatoosan ee halganka kiisii hay oow, Waa inoo firdow sadii macaanayd, iyo Talada wadankeena.

  4. zakariye says:

    ilahay ha unaxariisto halyayga qaaliga ah waad mahadsan tahay Dear maxamd sharif tariikhda aad nala wadaagtay

  5. maxmed says:

    aad baad u mahadsantihii in ,aad no sokoobtaan taariikhda marxuum cabdi cabdulahi oo runtii ,aan jaahil ka,ahaa ,anigu ,aana filayo in badan in aysidookale tahay waad ku mahadsan tihin bahda wakaalada runtii waa wada cad ,oon kuwada dayan karo ilaahay ha,unaxariisto

  6. Khayre says:

    Inaalillaahi wa inaa Ilaahi raajucuun! Alaha ha u naxaariisto qoyskiisa, ehelladdiisa, dhamaan dadka Somaliyeed, gaar ahaan shacabka reeer ogadeniyana iyo halganka xalaasha ah ee JWXO samir iyo iimaan Allaha ka siiyo. Runtii waa geeri aan aad uga murrugooday. Waa mu jaahid dadkiisa iyo dalkiisa u geeriyooday, waa geesi taariikhda halganka Ogadenia baal dhahab ah ka galay.

    Waxaan dhamaan shacabka reer ogadeniya iyo Somalida dhiiga leh ka codsanayaa in halganka la sii xoogeeyo.

    Illaahay janadii Fardowsa ha ugu bishaareeyo.

  7. axmed says:

    ilaah baa madhinta ah runtii qofka halgamaaga ahna ama mujaahid ka ahna waa noolyahay . runtii waxaadtahay mid qalbigeena iyo dhamaan inta jecel xoriyada iyo wanaaga dadka muslimka ahba aan qalbigooda kamaqnayn. iskamana aadan dhiman ee waxaad tahay mid cadawgiisu garwaaqsaday in aad tahay kuwo dhiigooda lagunasandoono sidaas darteed ayaad udhimatay . dhimashadaaduna waa mid nagusii adkaynaysa sida ay kaaga go,nayd in dalka iyo dadka ogadenia laxoreeyo si loogu naaloodo xoriyada ay beereen ama uu waraabiyay dhiigaaga iyo kumanaanka kulamidka ah eed taliyaha u ahayd ee kaana horeeyay runtiina kaadambayndoona ilaa calanka lasudhayo ciida oo xor ah silooxuso adi iyo inta kulamidka ah waxaad ahayd geesi taariikh reebay waxaana ilaah kabaryaynaa in aan dariiqaagii maro ilaa aan gaadhayno waxa aad udhimatay …

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay