Wararka nagasoo gaadhay Ogaadeeniya gaar ahaan Xarunta Dhexe ee JWXO ayaa sheegay dagaalo xoogan oo ka dhacay qaybo kamid ah dalka Ogaadeeniya ee ay Ethiopia gumaysato

Dagaaladaas oo ah kuwo maalinle ah ayaa u dhacay sidatan;

21/04/2013 Quruuruxle oo Qabridahar katirsan dagaal ka dhacay waxaa Asakrta gumaysiga Ethiopia lagaga dilay 2 Askari, sidoo kale halka uu dagaalku  ka dhacay meel aan sidaasi uga fogayn kamiin ay ka xidheen NH/CWXO ayaa waxaa soo galay gaadhi ay saarnaayeen askarta gumaysiga Ethiopia waxaana halkaasi ku basbeelay gaadhigii iyo askartii saarnayd oo aan waxba kabixin

Karin-dheere oo Shaygoosh katirsan kamiin ay ka xidheen cutub katirsan NH/CWXO 23/04/2013 ayaa waxaa si indha la’aan ah usoo galay Gaadiid kuwa gumaysiga Ethiopia ah waxaana halkaasi lagu dubtay mid kamid gawaadhidii ay wateen ciidamada nafaysan ee gumaysiga Ethiopia iyo askartii saarnayd oo aan waxba kabixin,sidoo kale waxaa dhaawac soo gaadhay gadiidkii kale ee losocday kan lagubay.

08/04/2013 Qundhac -qariye  oo Shaygoosh katirsan dagaal ka dhacay waxaa xukuumada galbakeedu sii dhacayo ee sii kala yaacaysa lagaga dilay 4 kamid ah Askarteeda waxaana lagaga dhaawacay 5 kale.

Cilmi-xidha  oo Danood udhow dagaal ka dhacay 28/04/2013 waxaa ciidamda saama la luudka ah ee gumaysiga Ethiokpia lagaga dilay 5 Askari waxaana lagaga dhaawacay 3 kale.

30/04/2013 Dagaal ka dhacay Geenyacadde oo Dhanaan udhow waxaa ciidamada mooraalka jabasan ee gumaysiga Ehiopia lagaga dilay 3 Askari waxaana lagaga dhaawacay 2 kale.

ONA.

 

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay