Waxaa shir isugu timid jaaliyada Ogadeniya ee Sacuudiga faraca Riyaad. Shirka jaaliyadda ayaa isugu jiray doorasho iyo warbixn uu soo jeediyay mudane C/lahi ciraaqi oo ka soo laabtay Bariga Afrika. Mudane Ciraaqi wuxuu uga waramay dadkii shirka ka soo qaybgalay meesha uu marayo halganka dalka Ogaadeeniya lagu xoraaynayo gude iyo dibadba, taasoo uu ku sheegay inuu yahay halgan taabagalay hadda isagoo kula dardaarmay xubnihii shirka fadhiyay inay ka digtoonaadaan shirqoolada cadowgu maleegaayo lana ilaaliyo midnimada umada.

Intaa kadib waxaa la gudo galay doorashadii oo kamid ahayd ajandaha shirka halkaasoo lagu doortay gudi cusub oo hogaamin doonta mudo sanada hadii Allaha idmo waxaana lagu bedelay gudidii hore oo xilkii ku wareejisay gudida cusub.

Waxaa gudoomiye loo doortay mudane C/lahi Geele oo Ilaahay looga baryay inuu xilka u fududeeyo oo uu u sahlo.

Intaa kidib waxaa la gudoonsiiyay shahaado sharaf xubninii mutaaystay ee ka qayb qaatay gurmadkii hanashada xoriyada ogaadeeniya ee 2012.

Gabagabadii waxaay dadkii shirka ka soo qaaygalay go’aansadeen inay hiil iyo hooba la garab istaagayaan halganka xaqa ah ee Ogaadeeniya lagu xoreeynaayo.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay