HCBQ- Waxaa ugu dambayntii soo baxay kitaab ka hadlaya xaqiiqada dulmiga Isir-tirtirida ah ee ay dawaladda Itoobiya ku hayso shacbiga Ogaadeenya. Dulimiga lagu hayo shacabka Somaliyeed ee Ogadenya ayaa ah mid ay wadaageen xukumadihi guumaysiga laga bilaabo Minilik ilaa maamulka hadda ka jira dalkaaItobiya ee Kaligii Taliyihii dhintay uu masuulka ka ahaa.

Waxaa kale oo ka mida macluumaadka buuga taariikh la shaandheeyey oo ah mida uga saxsan ee Ogaadeenya, waxaa ku jira taariikhda khayaamo ee ay wadamada reer-Galbeedka gacanta ugu galiyeen dalka iyo dadka Ogaadeenya boqortooyadii Xabashida. Warbixino iyo cadaymo dambiyada ay gaysteen ama gaysanayaan ciidamada guumaysiga ayaa ka mida warbixinada buuga ku jira.

Kitaabkan ayaa goordhow soo gaadhi doona jaliyadaha iyo haya’adaha u dooda xuquuqda aadanaha iyo saxaafadda caalamka iyo dawladaha daneeya arimaha Geeska Afrika.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay