VOA – KT- Meles ayaa mar uu ka hadlayay wuxuu ugu yeedhay warbixinta 6da biloodee horumarka ah ku hanjbaya inuu gacan bir ah ku qaban doono mucaaradka oon loo naxariisan doonin hadday isku dayaan banaabaxyo loola jeedo buu yidhi in qalaalasi lagu abuuro.

Isagoo u jawaabaya su’aal uu weydiiyay halka qof ee mucaaradka kaga jira baarlamaanka gaaraya 547da xubin su’aashaasoo ahayd sababta loo xidhay taageerayaashii xisbiga isbahaysiga Medrek ayuu si xanaaq ah u yidhi; waan ognahay xoogaga dibadda ee doonaya inay xasilooni darro ka abuuraan Itobiya. Wuxuu intaa raaciyay dhagaha iyo indhaha ma li’in oo waan la soconaa waxa naloo maleegayo. Inkastoo aanu sii sharxin shirqoolka uu sheegay in loo maleegayo, hadana waxaa hubaal ah inuu ula jeedo fariimaha la’isku dhaafsanyo Facebook-ga ee lagaga hadlayo isu diyaarinta banaabaxyo aan kala joogsi lahayn markay qarxaan bisha soo socota oo ku beegan sanadguurada 20aad markuu xukunka qabsaday Wayaanaha TPLF.

Madaxweynihii horee dalka Itobiya oo ah gudoomiyeha xisbiga la eedeeyay ee Unity and Justice for Democracy Party ayaa isagu arintaa diiday oo sheegay inuu Meles maagan yahay inuu banaabaxyada ishortaago isagoo ka dhigaya shayaadiin  mucaaradka ku kacsan iyo dawladaha dariska la’aha. Wuxuu intaa raciyay anaga wax shirqool ah kuma jirnee isagaa noo maleegaya shirqool si talaabo aan sharciga waafaqsanayn uu uga qaado mucaaradka ka soo horjeeda xukunkiisa.

Wuxuu aad uga cabsi qabaa Meles inay Addisababa ka bilowdaan kacdoon la mid ah kuwa ka socda caasimadaha Carabta sidaa darteed ayuu aad u hadal hayaa maalmahan dawladda Eretreeya oo uu ku eedeynayo inay ku kicinayso shacabka Oromada ee halkaa daga oy taageerto ururka OLF. 

Qofkii la socday dhaq-dhaqaayada ay wadaan dhalinyarada dalalka Carbta wuxuu ogaanayaa inuusan Meles sinaba uga baxsan karin mawjada ku soo socota. Midwalba oo ka mid ah kali-talisyadii laga eryay Tuunis iyo Masar iyo kuwa ku sii daba jiraba waxay odhan jireen un ereyo hanjabaadaa oo kale ah iyo qofkii is-dhaqaajiya waaba la ogaan doonaa waxa ku dhaca. Hasa ahaatee dhalinyaradii dalalka Carbeed iyagoo feedhaha qaawinaya ayay xabadda isu dhigeen oy ugu galeen qasriga Kali-talisyadii ilaa ay ka cararaan. Meles arimahaa ayuu ogsoonyahay.    

Waxaa sii gurmaya waqtigii lagu balamay in banaabaxyada hadheeyaan magaalamadaxda Adisababa iyo safaaradaha gumaysiga Itobiya.

ONA.

 
 

2 Comments

  1. gani says:

    waa ariin aad loo sugayay in uu maantaa zinawi waxanyaa kuu tusaysaa awood daridaa waxasee kasii xuun ruxaa kass taloo sartay

  2. guulw3ade says:

    kkkkkkkkkkk saxibayaal waxaa run ah in uu zeenawi cabdaad afka kudhuftay waxaarun ah inuuna zeenawi uturayn mucaarade wuu tabar laayahay tabar laaan ayaahayee noomaturayo waxay kutusun haysaaa tabar dara kajirta wadankiisa iyo sida uuna wax taageero ah ulahayan

    muxuu samayn lhaa hadii ciidamada wayanaha ee ciidan ka jwxo uulahayn hayo iyo shacabka dulman eee s.ogadenia ee uulayn hayo hadii warbahanta loosoo bandhigpo muxuu samaynalaa
    guumaysigii dhacyeey dhalinyarooy dadaala

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay