10ka May 2013 waxaa banaanbaxwayn isugu soobaxay dhamaaan bulshada ku hoos dulman gumaysiga Tigrayga oo ay horkacayso Jaaliyada Ogadenia ee koonfur afrika xafiiskeeda Gauteng.
Mudaharaadkan oo ay iska kaashadeen diyaarintiisa jaaliyadaha Ogadenia,Oromiya Ahmara,ururka muslimiinta Ethiopia iyo waliba ururo kale ayaa si habsimileh uga bilaabmay afaafka hore ee xarunta madaxtooyada koonfur Africa ee “UNION BUILDING”.
Banaanbaxa oo halkudhagiisu ahaa Wayaanuhu haguuro waxaa isugu yimaaday dad gaadhaya dad aad u tiro badan oo wata boodhadh ay kuqoranyihiin halkudhagyo muujinaya sida xukuumada guumaysiga ah ee Tigreegu udhibaataysay bulshooyinka kuhoos nool.
Waxaa mudaharaadkan kasooqaybgalay saxaafada dalka iyo mid caalami ah labadaba waxayna halkaas kula kulmeen macluumaad dheeri ahna kaqaateen qabanqaabiyayaashii mudaharaadka iyo mudaharaadayaashiiba
Ugudanbayntii waxaa codsi qoraala ay qabanqaabiyayaasha 4ta urur kakala socotay ay kuwareejiyeen Xoghayaha khaaska ah ee madaxwaynaha dalka Koonfur Africa iyo wakiilka  xoghayaha qaramada midoobay ujooga south Africa.
Filimo iyo warbixino dheeraad ah filo dhowaan
ONA
 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay