Kooxda Faneedka Danaba oo kamid ah kooxaha Xidigaha Fanka iyo Suugaanta jaaliyada soomaaliya Ogaadeeniya ee Dalka Kenya ayaa xalay oo habayn Axada ah ka dhigay magaalada Nairobi bandhig faneed loogu magacdaray“HAKA HADHIN HIDAHA HALGANKIYO BULSHADA” Kaasi oo ka dhacay Hall wayn oo ku yaala badhtamaha magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya

Bandhigaan oo hordhac u ahaa riwaayad dhici doota habaynka sanadguurada 15ka Augast 2013 oo ah maalintii la aasaasay jabhada wadaniga xoraynta Ogaadeeniya ayaa micnihiisu ahaa Abaabul,wacyigalin,maaweelo iyo madadaalo, waxaana halkaasi lagu soo bandhigay suugaan kala jaad jaad ah

Bandhigaan oo ay kasoo qayb galeen dadwayne aad utirabadan ayaa suugaantii halkaasi lagusoo bandhigay waxaa kamid ahaa Dhaantooyinka hidaha iyo dhaqanka u ah bulshada Ogaadeeneya majaajilo wacyigalin iyo tusaalayn isugu jirta

Bandhiga faneedka xalay lagu qabtay magaalada Nairobi oo ahaa mid siwayn u soo jiitay dadwaynihii soo xaadiray Hall-ka ayaa waxaa kaloo kasoo qaybgalay Fanaaniin soomaaliyeed oo aad loo jecelyahay caana ka ah magaalada Nairobi iyo nawaaxigeeda kuwaasi oo isugu jiray Rag iyo Dumar

Hall-ka lagu qabtay bandhiga oo ay soo camireen dadwayne ku labisan calanka bilicda leh ee jabahada wadaniga xoraynta Ogaadeeniya ayaa todobaadkanaba waxaa cidhiidhi galay helitaanka dharka ay ku buufsanyihiin calanka Ogaadeeniya iyadoo goobaha lagu farsameeyo farshaxanka iyo calalmadu ay ahaayeen meelo aad buuq u ah

Bandhig faneedkan oo siwayn loo sugayey ayaa waxaa qaban qaabadiisa iyo abaabulkiisa siwayn looga dareemayey maalmihii u dambeeyey guud ahaan dalka Kenya gaar ahaan magaalooyinka ay ku badan yihii Bulshada Soomaaleed iyadoo maalmihii u dambeeyey aad looga dareemayey goobihii lagu gadayey kaadhadhka lagu galayey bandhigaan saxmada iyo cidhiidhi aad ubadan

Ugu dambeynti bandhiga caawa ayaa ahaa mid xiisa gaar ah lahaa, waxaana dadwaynihii caawa ku cawaynayey Sarkasi Dom oo ah goobtii lagu qabtay badhiga siwayn uga maqsuudeen suugaangtii iyo majaajiladii ay soo bandhigeen kooxda Danaba ee magaalada Nairobi

ONA

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay