Ururka OYSU Melbourn ayaa isugu yimid shirkoodii caadiga ahaa oo bil kasta mar ururku isugu yimaado. Kulanakan ayaa waxaa gudoominaysay Marwo Luul Cabdi waxaana kasoo qeyb galay xubnaha ururka oo idil iyo xubno marti sharaf ahaa oo kamida Gudiga Jaaliyada.

Shirka ayaa sidii caadada aheyd lagu furay aayadaha Quraanka kariimka ah iyo astaanka halganka shacabka somalida Ogadeniya.

Shirkan waxaa looga hadlay oo lasoo bandhigay warbixintii wax qabadka OYSU melbourn waxaaana warbixintaas soo jeedisay marwo Luul Cabdi. Waxyaalihi laga xusi karo waxqabadkaas ee laga hadlay waxaa kamid ah: Shaqooyinka OYSU melbourn caanka ku tahay sida

Soo bandhigida Xasuuqa loogeysto shacabka somalida Ogadniya si loo gaadhsiiyo beesha caalamka

Mudaharadadii waaweynaa ee looga soo horjeeday gumeysiga Ethiopia ee lagu fashiliyay Woynaha

Shirarkii Woyanahu rabay in Melbourn ku qabsadaan ee laga burburiyay kadib markii dhalinyarada somalida Ogadeniya kahortageen

guulahaas faraha badan ee lagu naaloonayo ee ururka OYSU melbourn soo hooyay ayaa ah mid qab jabisay iskudayada gumeysiga waxyna baal taarikhi ah ka galeen taariikhda  dadaalka loogu  jiro halganka shacabka somalida Ogadeniya.

Ururka OYSU melbourn ayaa ah ururka ugu weyn ururada dhalinyarada ee ka jira Melbourn, Australiya.

kadib qudbado badan oo xiiso leh oo xubnaha dhalinyarada OYSU iyo xubno kamida gudiga jaaliyada markii la dhageystay talooyin iyo gubaabo badana la isfaray ayaa waxaa laguda galay ajendihi qeybti labaad ee shirka oo aheyd doorasho.

Waxaa shirkan lagu doortay maamul cusub oo hagi doona ururka dhalinyarada OYSU muddo labada sanno ee soosocota ilaa 12 May 2015.

Waxaana madashii shirka lagu wareejiyay maamulka cusub ee OYSU Melbourn. Halkaas oo Hambalyo,  talooyin iyo tusaale badan loo soo jeediyay maamulka cusub ee OYSU Melbourn.

Jaaliyada Ogadeniya ee Melbourn ayaa sidoo kale aad usoo dhaweysay maamulka Cusub ee OYSU melbourn iyada oo waxqabadkii maamulkii horena aad loogu riyaaqay.

ONA

 

 

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay