Maalintii ay taariikhdu ku beegnayd 13/05/13 ayaa waxaa xerada qoxootiga Dhagaxlay ka dhacay shir aad muhiim ugu ah qoxootiga ree ogadenia ee kudhaqan dhadhaab shirkan oo mudo laga dhursugayay waxaa soo qabanqaabiyay faraca midnimo oo katirsan jaaliyada kahowlgasha deegaanka dhadhaab.

Sida aan lawada socono qoxootiga kudhaqan deegaanka dhadhaab waxaa 3dii sano ee udanbaysay soo food saartay dhibaatooyin farabadan oo dhinac kastaba leh dhibaatooyinkan qoxootiga oo dhan haysata waxaa kamid ah nabadgaliyo daro caafimaad daro biyo la.aan iyo dhamaan adeegii bulshada oo aad uwada xumaaday

Dadka ka soo qaxay Ogadenia oo aad u farabadan waxaa u gaar ah dhibaatooyin aan ahayn kuwaan kor kusoo xusnay arintaasoo ay ka dhiidhiyay dhamaan qaybaha kala duwan ee bulshada sida gudiga jaaliyada, gudiga qoxootiga ogadenia. Dhalin yarada, indheer garadka iyo haweenka oo dhamaan uguntaday sidii loo xalin lahaa dhibaatooyinkaas islamarkaana ay qoxootiga ree ogadenia ee kusugan dhadhaab u heli lahaayeen xuquuqdoodii qoxootinimo.

Shirkan oo ahaa shir balaadhan waxaa kasoo qayb galay dhamaan hagaamiya yaasha qoxootiga ee xerada dhagaxlay waxaana madasha shirka yimid godoomiyaha xerada iyo gudoomiye guxigeenka iyo dhamaan section leader rada xerada,

Shirka waxaa furay howlwadeenada faraca midnimo waxayna goobta kasoo jeediyeen khudbado aad uqiimo iyo qaayo badan oo ay kaga hadlayeen dhibaatada ugaarka ah qoxootiga ree Ogadenia ee xerada Dhadhaab waxayna soo bandhigeen dadkii meesha ka hadlay dhibaatooyinka qoxootiga S.Ogadenia.

Khudbadihii iyo hadaladii qiimaha lahaa ee gudiga waxaa la dhacay oo aad usoo dhaweeyay hogamiyayaashii qoxootiga ee shirka fadhiyay iyadoo la arkayay qaar kamid ah hogaamiya yaashii shirka fadhiyay oo ilmaynaya kadib markii warbixin dhab ah laga siiyay sababta ay qoxootiga ree ogadenia usoo qaxeen iyo dhibaatooyinka kamuuqda qaar badan oo qoxootiga kamid ah iyo sida ay uwaayeen xuquuq badan oo ay xaq ulahaayeen.

Sikastaba ha ahaatee hagaamiyayaashii qoxootiga ee shirka kasoo qayb galay ayaa balan qaaday in ay geed dheer iyo geed gaabanba ufuuli doonaan sidii qoxootiga s,ogadenia loogu heli lahaa xuquuq dooda qoxootinimo shirkan oo mudo dheer socday ayaa kusoo gaba gaboobay jawi dagan iyo guul muhiim ah oo usoo hoyatay qoxootiga ree ogadenia

G/gundiid

ONA /Dhadhaab

 

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay