Waxay ahayd dhamaadkii June ee sanadkii 2012 markii aan gaadhay gudaha Ogaadeenya. Waxaan ugu tagay kulan ay lahaayeen qaybta Heegan kaas oo aan la kawsaday.  Intii aan joognay kulankaas waxaan si waafi ah  warbixin uga qaatay taliyaha qaybta iyo madaxdii la shaqaynasay sidoo kale waxaan la kulmy xubno badan oo ka tirsan ciidanka, mudo sadex maalmood ah ayaanan ku sugnaa goobtii.  Ka dib waxaan kulamo la yeeshay qaybo ka tirsan ururada bulshda oo kala gadisan waxaanan halkaa ku sugnaa muddo  todobaad ah. Intii aanan ka anbabixin  deegaanka gobolka Doollo  iyo qaybta Heegan, waxaan si wayn  u qiimeeyay xidhiidhka ciidanka iyo bulshada iyo hawlagada ciidan ee jabhadda, waxaan  sidoo kale daraasad ku sameeyay xubnaha jabhadeed ee ka hawlgala deegaankaas. Intaa ka dib  waxaan sii watay socodkaygii waxaana 12kii July 2012 gaadhay deegaanka Harooyinka halkaas oo aan kula kulmay masuuliyiin golaha dhexe ah iyo qaar ka tirsan maamulka Duufaan, waxaanan la qaatay  kulamo kala  duwan. Intaa wixii ka danbeeyay waxaan si toos ah ula hawlgalay haya’daha kala duwan ee jabhadeed  ee ka hawlgala gudaha Ogaadeenya waxaanan maray gobolda Doollo, Jarar, Nogob iyo qaybo ka tirsan Shabeele. Waxaa kale oo aan  soo maray deegaamo ka tirsan dhulka kore ee ay ka hawlgasho qaybta Gorgor.

Hordhacaa yarka ah ka dib, waxaan halkan idiinku soo bandhigayaa qayb ka mid ah waxyaalihii  mudadii aan ku sugnaa halkaa aan kala kulmay gudaha Ogaadeenya, waxaanan odhan karaa waxay ahaayeen kuwa farxad iyo ranrayn xambaarsanaa oo aanan filaynin.

Dhinaca Ciidank Wadaniga Xoreynta Ogadenya 

Ciidanka Wadaniga Xoraynta Ogadeenya (CWXO) ee aan la kulmay waxa uu ahaa ciidan tiro iyo tayoba ku faraxgalinaya oo aad iyo aad u mooral  sareeya kaas oo kiciyay  himadaydii halgan ina galiyay  rajo halgan oo hor leh. Waxaan ku qancay qaabka diyaar garawga iyo fulinta dagaalada ee CWXO waxaanana ku amaanayaa hawlgalo dagaal oo aan kala qayb qaatay intaan la joogay oo islamarkaana aanku ogaaday tabta saraysa ee uu ku fulinayo cadawga iyo xeeladaha  bisaylka ciidan ee ka muuqda N/hurayaasha. Waxaan ogaaday inuu Ciidanka Wadaniga Xoraynta Ogadeenya yahay mid si buuxda la isugu halayn karo oo masuuliyadii loo asaasay qabanaya, kaas oo aan  ku kalsoonahay inuu buuxin doono himilada shacbiga Ogaadeen gudo iyo dibadba. Waxaan ku kalsoonaaday inay gaadhayaan hadafka xoriyada  mustaqbalka dhaw hadii uu Eebe ogolaado. Ciidanka Wadaniga Xoraynta Ogadeenya  oo ah halbawlaha halganka  shacabka Ogaadeenya  ayaa mudadii aan la socday  waxaa aan dareemayay   cududa xoogan ee ay kaga hortagaan cadawga oo mooraal jab weyn ku riday, waxayna runtii awood u yeesheen CWXO in ay  weerar ku qaadi karaan cadawga  goorkasta oo ay go’aansadaan iyo goobkasta oo ay calaamadaystaan. Islmarkaana waxaan xaqiijiyay oo aan hoosta ka xariiqay  in   ciidanka JWXO uu  awood u leeyahay  inuu cadawga ula dagaalamo hadba sida uu  doono  taasoo faraha cadawga ka bixisay  inuu  dagaalka hogaamiyo.

Madaxda ciidamada JWXO een kula kulmay goobaha dagaalka waxaa aad  uga muuqata kalsooni buuxda  oy ku qabaan inay waqti dhaw guusha hanaan doonaan  waxayna i tuseen waxyaaba badan oo muujinaya in maanta  cadawga xaalkisu uu dhaafay   baxsi iyo wuu soo galay  ayna isha ku hayaan sida ay u kala dhaqaaqi doonto  dawlada Itoobiya. Waxay igula kaftameen  in aan ka mid ahay dadka dibada jooga ee daawada  TV-yada ee  ku jahawareersan waxaan  waxba ka jirin. Waxay yidhaahdeen; “Waxaan joognaa dalka waxaan garan karaa meesha la sheegayo in la joogo  iyo meesha la leeyahay ceel iyo caws baa lagu barwaaqeeyay oo aan hubno inayna inta badan Ogaadeenyaba ahayn, sababtoo ah anagaa dhex joogna oo ogsoon. Ma ogin in la’idin daawadsiiyo filimaan laga soo qaaday  Itobiyada kale islamarkaana dusha laga saaray dad  shacbi ah oo Jigjiga sawiro lagaga qaaday. Waxay kaftanka ku dareen  eray aan aad ugu qoslay oo ah; ” .. adeer malaha reer magaalku waa caruur oo ma qaangaadhin  sidee ayay u kala garan waayeen xaqiiqada ka jirta dalkooda iyo sawirada beenta ah ee la daawadsiiyo.”

Xidhiidhka ka  dhaxeeya shacbiga iyo ciidanka JWXO  waxaan ku qiyaasay oo kaliya hooyo dhashay wiil madi ah  oo waliba gurudanbays  ama yaraan ah  oo joogta goob colaadeed  sida ay u ilaaliso  wiilkaa iyo meesha uu kalgacal ahaan  ka taagan yahay. Waxaan u malayn  in cid waliba dareemi karto kalgacalka ay u hayso. Waxaan la kulmay dad aad u badan oo shacab ah  mana qabaan  wax dareen ah oo ay marnaba raali ka yihiin  in hawshan ku  joogsato. Waxaan waydiiyay  su’aal ah mudo dheer ayaan dagaal ku jiray dhib badana waa inaga soo gaadhay  heshiis mala gali karaa dawlada Itoobiya? Waxay ku jawaabeen  ma jiro wax noo fayaw maanta dad  iyo dal iyo duunyo midnaba.  Sidaa darteed wixii ay waxwalba noo gaadheen  kamanoqonayno  kumana qancayno wax  kayar wixii aan dagaalka u qaadnay inaan  gaadhno. ONLF-na hadii ay buuxin waydo  shuruudaa mid  cusub ayaan aasaasaynaa. Waxaan soo xusuustay qaar calooshood la ciyaar ah oo habeen iyo maalin ku hadaaqa dadka haloo turo oy ula jeedaan cadawga haloo gurguurto.

Waxaa dhacay intaan joogay kulamo waawayn oo ay isugu  yimaadeen  dhamaan maamulada iyo madaxda qaybaha, kaas oo lagu falanqaynayay hawlaha kala duwan ee jabhadda. Waxaa kulanka oo socday mudo sadex maalmood ah lagu qiimeeyay dhamaan hawlaha halganka waxaana ka soo baxay go,aamo  looga faa’iidaustay  hawlaha  halganka. Waxaase aniga ii dheeraa farxadii aan kala kulmay oon ka faa’idaystay doodihii xiisaha lahayd ee huwanayd bisaylka hogaamineed ee ay iswaydaarsanayeen madaxda  ciidamada iyo hogaaminta jabhadda.

Nololsha shacabka

Waxaad la socotaan in dhulka Ogaadeenya uu mudo aad u dheer saraa cunaqabatayn  dhinaca dhaqaalaha iyo nolosha ah,  waxaana dadka soo gaadhay dhibaato aad iyo aad u xoog badan  waxaana lagala dagaalamay  ganacsiga iyo wax soo saarka iyadoo sidoo kale waxyeelo loo gaystay  xoolihii ay ku noolaayeen. Waxaa dadka soo gaadhay waxksata oo dhib ah oo loo gaysan karo ruux  banii aadam ah. Waxay  hada maraysaa in la yidhaahdo waa inaad  dakhli soo galisaan dawlada.  Waxaa dagmooyinka lagu xukumay malaayiin lacagta Itoobiya ah. Tusaale waxaan joogay  8dii April meel ku dhaw degmada Baaray. Waxaan ogaaday oo aan xaqiijiyay in lagu qoray inay soo xareeyaan 193 milyan oo Birr.  Lacagtan oo ah mid aad badan marka la eego nolosha dadka ku dhaqan dagmadaa.

Dadka markii arintan loo keenay  aad ayay uga horyimaadeen  waana mid aanay suura gal ahayn inay bixiyaan. Waxaa kale oo aan 18kii March kula kulmay degamada Sagag  dad ka soo fulay ceelka waxay ii sheegeen  in cadawgu maanta  uu dadka madaxooda ka qaadayay canshuur  ruuxiiba  8 Birr, neefka geela ahna 200 Birr, ka  adhiga 50 Birr, awrka raashinka ah 150 Birr, iyadoo dukaamadana la saaray canshuur u dhaxaysa 5000 ilaa 30000 oo Birr. Arintan waxay  ka mid tahay isku dayada cadawga  ee ah in  lagu tirtiro  gabi ahaan nolosha dadka. Waxaan  aad ugu farxay markii aan dadka kala sheekaystay dhibkan  iyo waxyaalaha loo sababsan ayay iigu jawaabeen ujeedadooda waan garanaynaa, kolase  xoriyada Ogaadeenya   ka hadhi mayno waanan garab taaganahay ciidanka iyo madaxda jabhadda ee halganka wada.

Awooda ciidankii loo yaqiinay Hawaarinta

Waxaan  hoos ugu daadagay inaan xog rasmi ka helo awooda cadawga   gaar ahaan dhinaca ciidanka waxaanan ogaaday inuu aad iyo aad uga hooseeyo heerkii aan ku ogaa sanad ka hor. Waxaana jira khilaaf iyo dagaal adag oo gudaha ciidamada iyo maamulkoa ah. Waxaa baaba’ay  kalsoonidii  ay ku qabeen hogaanka  kililka waxaana maamulkoodii la wareegay hadda kornayl Tigree ah oo lagu magacaabo Weldu Mabreetu,  kaas oo ah maamulaha guud iyo tababarka  ciidanka Hawaarinta.

Dhinaca kale waxaan indhaha ku dhuftay dhul badan oo  horay u ahaa magaalooyin camiran oo aad moodo dhulkii uu ka sheekayn jiray Quraanku ee dadkii daganaa la rogay ama ka tageen. Waa magaalooyin  aan cida ku soo dheelman, cidna ka caraabin, cidinana ayna u hoyan gudaheeda. Waa wax naxdin kugu abuuraya  oo aad dareemayso cadaadiska iyo xasuuqa dalkan iyo  dadkan lagula kacay heerka uu gaadhay .

Dhamaan waxyaalaha aan carabka ku dhuftay waxaan jeclahay intooda badan inaad daawantaan iyaga oo muuqala ah. Intaas waxaan ku soo koobayaa qaybtii koowaad ee warbixintii  socdaalkii aan ku marayay qaybaha kala duwan ee dalka.

M/shariif.

ONA.

 
 

1 Comment

  1. mohamed says:

    Hambalyo Sharif waxaan kuleeyahay Guuleeyso adiga iyo ciidanka jwxo.
    N/Hure Sharif qaabka oo warkiisa uqoray soo uma ega John Simsim oo kasoo waramaya Iraq. Guleyso markale.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay