Warar aan ka helnay dad la xidhiidhay iyo qaar kale oo hawlo ay kaga xidhnaanyeen safaaradda gumaysiga uu ku leeyahay dalka Kuwai ayaa xaqiijinaya in la la’yahay safiirkii iyo waliba ku xigeenkiisii. Waxaa la xaqiijinayaa hadda in labada masuul ay ka tageen dalka Kuwait aadeenna meel aan la ogayn oo la filayo maalmaha soo socda inay ka dalban doonaan magangalyo siyaasadeed.

Maamulka Safaaradda ayaa hadda ka hor waxaa sidoo kale uga baxsaday Xogahaee 1aad ee safaaradda oo sheegay waagaa inuu ku amar-ku-taagleeyo nin Tigree ah oo safaaradda u jooga hab basaasnimo ah, ninkaasoo kaba awood sareeya siduu sheegay waagaa xoghaya 1aad Safiirka dalka.

Dad badan oo Somali ah oo haysta baasaboorada Itobiya oo in loo cusboonaysiiyo ugu dirsada safaaradda Kuwait ayaa waxay ka walaacsan yihiin Baasabooradoodii oo ilaa hadda aan loo soo celinin iyo qaar kale oo magacyadooda si khaldan loo qoray ama xataa sawiro aanay lahayn loogu soo dhajiyay, taasoo ku keentay dhibaato xagga ciqaamadihii ay ku shaqaysanayn ah.

Fadeexado farabadan ayaa ka dhaca safaaradaha Itobiya, iyadoo meel walba la geeyay nin ka socda xisbiga Wayaanaha oo ka awood sareeya Safiirka looguna talagalay inuu basaaso jaaliyadaha daggan dalalkaa.

Wixii ka soo kordha waynu ogaan doonaa.

ONA/Kuwait.

 
 

3 Comments

  1. wiiljwxo says:

    Tigreegu wuu kala dareeray, cad ceediisii baa dhacday………….
    kkkkkkkkk.

    guusha waxaa leh dadka dulman
    guhaaddu waxay ku danbayn gumaystaha.

  2. axmad kahin says:

    kkkkkkkkkkkkkkkkkkkk alawaxan kabaryaya arintas inay run noqoto tigray hakalatago wasas

  3. wardheer says:

    waa astaamihii lagu yaqaanay marka uu gumaysiga burburi lahaa waa calaamadaha lagu garto guuldarada soo food saartay wayaanaha

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay