Waxaa xalay la soo gabagabeeyay shir ay ka soo qayb galeen dhamaan xubnaha faraca OYSU ee  gobolka Western Cape ee xaruntiisu tahay magalada Cape Town. Waxaa shirka furay xog hayaha OYSU ee faraca gobolkan mudane Ugaas Abshir Mahamed Faatule  oo xubnaha uga warbixiyay ujeedada Shirka iyo ajendaha horyaala.

Intaa kadib waxaa shirka lagu soo dhaweyay hogaanka arimaha diinta ee OYSU Western Cape Sheikh Mahamed Yusuf (ugaas) oo muxadaro qiimi badan shirka ka jeediyay kuna dheraaday Alle ka Cabsiga iyo kutoos naanta diin teena wanaagsan. Muxadarada sheekha kadib waxaa shirka hadal koban ka jediyay Gudoomiyaha jaliyada Ogadenia faraceda Western Cape mudane Abdiraxmaan Maxamud Food oo aad ugo dheeraaday kalinta ay OYSU kaga jirto halganka lagu xoraynayo ogadenia.

Intaa kadib waxaa shirka la wareegay gudiga dorashada iyo codaynta xubnaha, waxaana laguda galay dorashadii iyadoo madasha laga Akhriyay tariikhda ama ba CV yada labada halgame ee u sharaxan Xog Hayaha guud ee OYSU. Doorashada xubnaha ayaa u dhacday qaabka codaynta Sanduuqa codka lagu ridayo.

Isku soo wada duboo dorashadii xalay kadhacday magalada Cape Town ee ay qabteen Ururka Dhalinyarada iyo Ardayda Ogadenya OYSU ee Western Cape waxay ku dhamaatay guul.

M.A.SALAM/CAPE TOWN-SA

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay