Gudida fulinta ee jaaliyada ogaadeeniya ee koonfur afrika ayaa shir ku qaatay xaafiiska JOKA shirkan oo socday 9 saacadood ayaa lagu lafa-guray hawlo badan oo jaaliyada horyaala shirkan ayaa bilawday abaarihii 10:00 pm fiidnimo ee 22/05/2013 asagoo soo xidhmay 23/05/2013 07:00 am ee subaxnimo.
Shirkan ayaa ka koobnaa dhawr qodob oo muhiim ah waxaana ugu waynaa sir laga helay gudaha ogaadeeniya oo ku aadan qorshe hoose oo cadawgu maleegayo taas oo ay jaaliyadu soo bandhigo doonto waxyaabo kamid ah haday Eebe ogolaado Sidoo kalle dhamaystirka dhawlaha jaaliyada horyaala iyo dardar galinta halganka.

Shirkan ayaa ahaa mid aad muhiim ugu ahaa jaaliyada koonfur afrika waxaana ka soo baxay wareegtooyin laga hirgalin doono dhamaan wadanka koonfur afrika.
Waxaana kasoo baxay qorshayaal wax ku ool ah

Hadaba xaafiiska jaaliyada ogaadeeniya ee koonfur afrika wuxuu war galinayaa dhamaan xubnaha xarunta in uu jiro shir muhiim ah. waxaana lagu wargalinayaa dhamaan xubnaha xarunta, ururka dhalinyarada OYSU iyo ururka hooyooyinka in ay shirkaas kasoo qayb galaan
Taariikhda: 27/05/2013
Saacada. 01:30 PM
Goobta xaafiska JOKA

Waa shir muhiim ah waxaana xubnaha faran in ay kasoo qaybgalaan kulankan
Uitenhage, Korsten, addo, kirkuit iyo Hummersdrop in ay kusoo xaadiraan xaafiiska jaaliyada

Xubanah East London 30/05/2013 in ay kusoo xaadiraan magalada goobta shirka xubnuhu ka dhoco bilwalba

Xubnaha king Williamstown 01/06/2013 xaafiiska faraca in ay xaadir ku noqdaan

Xubnaha durban 03/06/2013 in ay isugu yimaadaan goobta soomaalidu dagantahay halkaas oo ay wafti xarunta kasocota isku qaabili doonaan in sha aalah

ONA

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay