Waxaa saaka magaalada San Diego ee gobolka California si toos ah uga furmay shir weynihii ururka Midowga Dhalinyarada iyo Ardeyda Ogadenia. Shir weynahan ayaa waxaa kasoo qayb-galay xubno iyo wufuud aad ufarabadan oo ka kala yimid dunida dacaladeeda.

Waxaa shirka furay xog’haya OYSU San Diego mudane MaxamedNuur Maxamud Cabdi oo isagu soo dhoweeyey marti sharafta kasoo qayb-gashay shirka. Isaga oo sheegay iney tahay fursad qaali ah in maanta dhalinta reer Ogadenia iyaga oo qadiyadooda u dooda ay isugu yimaadaan shir noocan oo kale ah.

Shirka maanta ayaa ah mid albaabadu uxiran yihiin loogana hadli doonaa arrimo gaar ah, warbixino, seminaaro iyo aqoon isweydaarsi.

Shirkan ayaa waxaa larajeynayaa iney kasoo baxaan qodobo iyo tiirar iftiimindoona hadafka iyo wajiga cusub ee OYSU ay gali doonto saddexda sanno ee soo socda.

Shirka qaybihiisa dambe halkan kala soco.

 

Abdirahman Hollywood

San Diego, CA

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay