Waxaa dhamaan shacabka Soomaalida Ogadeenya &  walaalaha soomaaliyeed ee ku dhaqan wadanka Holland iyo nawaaxigiisa, la ogaysiinayaa inuu dhici doono shirwaynihii guud ee Jaaliyadda soomaalida ogadeenya ee  Holland, Kaasooy kasoo qaybgali doonaan madax sare oo ka tirsan Jabhadda ONLF. Shirku wuxuu dhici doonaa haduu Eebbe yidhaahdo 8/06/2013 wuxuuna ka dhici doonaa magaaladda Rotterdam.  Hadaad su’aal ka qabto geedisocodka halganka ay Jabhada Wadaniga Xoraynta Ogadenia (JWXO) hormuudka u tahay ee wadanka Ogadeenya lagaga xoraynayo Gumaysiga Itoobiya, hadaad talo uhayso JWXO, hadaad  ubaahantahay inaad wax ka ogaato halganku heerka uu marayo wakhtigan xaadirka ah, waxaa kuugu diyaar ah goobta shirku ka dhici doono madax sare oo ka tirsan JWXO ood si toos ah iyo si dadbanba aad oogu gudbin kartaa madaxda fariintaada.

Hadaba Addresska goobta uu shirku ka dhici doono waa sidan;

Goobta:- Grotekerkplein 5

3011 GC, Rotterdam.

Goorta:- 14:00  ilaa 22:00

Taariikhda:- 08-June-2013

Fadllan wakhtiga soo ilaali, shirku waxuu toos u furmayaa 14:00 ee si ayna warbixinadu kuu dhaafin wakhtiga ku soo xisaabtan.
Waxii faahfaahin ah ee intaas dheer  kala xidhiidh  Maamulka Jaaliyada, Telfoon:-  +31642830418

Maamulka Jaaliyada Holland.

ONA

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay