Cinwaankaa waxaa iska lahaa qoraa Shamso Cumar oo shabakadda Kilil5 gaadhsiisay qoraalkan ay tahay qofkii damiir leh inuu ka tiiraanyoodu. Waa risaala si dhab ah ugu socota wadaadadii maalin dhaweyd lagu shiriyay Jigjiga ee arimaha ay gabadhan wax ka qortay iyo ka daranba iyagoo ogsoon hadana martida u ahaa ee isku dayay inay dadweynaha u garba duubaan gumaysiga iyo maamulka gabaood falka iyo ijraamka ka samaysan ee Cabdi iley uu masuulka ka yahay. Lama odhan karo arimahan Guuleed kaligii ayaa ku dhex jiray Cabdi iley oo saaxiibkiisa brobagaandada uu ahaana waxba kama ogayn, balse qoraalka oo sidii ay gabadha u qortay ah waa kan;

Waxay dad badani siwaydinayaan xageey kudambaysay dacwadii iyo maxakamadii Guuleed Casoowe,oo ah ninkii uhoreeyay dhaqanka fooshaxun ee islaamnimada kabaxsan kulakacay haween gaadhayay 27 haween ahaa, kuwaas oo isugu jiray qaar reer lahaa iyo kuwo dhalinyaro ahaa. Inkastoo dhaqan xumada tumashadu aysan ahayn mid ku cusubayd deegaanka, sigaarana loogu yaqaanay qaar kamida madaxda deegaanka oo hablaha yaryar ee sookacaaya ku harqinjiray lacag, si ay ugu fushadaan danahooda gaabsiga ah, hadan arintan cajaladaha laga duubay dumar badan oo falal xun oo dhanqanka kabaxsan lagu sameynayo maynan horay uga dhicin deegaanka.

Waxaa horay deegaanka uga jiray gabdho iyo naago caan ku ahaa shaqadan oo iyaguna xidhidh tumasho lalahaa kooxda dhaqanka xun ee had iyo jeer kamidka ah xukuumada deegaanka. Ma’aha inaanu dhaqan xumo ku sheegayno dhamaan madaxda deegaanka waxa xaqiiq ah in madaxda deegaanka ay kamidyihiin qaar aad u wanaagsan oo toosan, balse waxaa hubaal in ay jiraan koox caan ku ah dhaqan xumada iyo arimaha laxidhiidha tumashada. Inkastoo bulsho kastaa ay leedahay koox xun, hadana sababta aanu sigaara diirada ugu saarayno madaxda deegaanka waxaytahay maadaama ay yihiin hogaankii umada kuwaas oo ay tahay inlagu daydo. Kuwo badan oo madaxda deegaanka ah, ayaa xumaan iyo dhaqan bulsho dumisnimo ah mooyaane aanan wax kale lahayn. Kuwo gaarkood hadh iyo habeen qaad ayay ufadhiyaan, mana qabtaan wixii loogu talo galay ee ahayd inay u adeegaan bulshada, qaarkoodna xumaantan hada lagu haysto Guuleed Casoowe ayay qayb kayihiin ee dhaqan xumada ah iyo wiliba adeegsiga maandooriyayaasha. Aqoonyahanno iyo waxgarad badan oo magaalada Jigjiga kunool oo aan arintan fadeexadda wax kawaydiinay ayaa leh: “Madaxda ay bulshada deegaanku wax qabad kasugi, waa kuwa ku mashquulsan tumasho iyo habeenkii oo dhan oo qaad, qayilaad iyo qosol loo fadhiyo. Waa calooshooda la ciyaar aan dadka waxba uqabanin, qorshe waxqabadan aan haynin”.

Hadaan kusoolaabto mawduuceena Guuleed casoowe, gabdhuhuu faraxumeeyay iyo halka ay marayso dacwadiisu. Guuleed Casoowe wuxuu ahaa madixii borobogaandada xafiiska nabadgalyada wuxuuna wararka galinjiray bogii xidhmay ee eegga.com, kadib waxaa loomagacaabay madax-xafiiseedkii xafiiska warfaafinta, mudo sanad ku dhadhaw ayuu madax xafiiseed ka ahaa xafiiskan kadibna xilkii ayaa laga qaaday. Guuleed ayaa falkan fooshaxun kusoo dhexjiray tan iyo intii uu siyaasada deegaanka lajaanqaaday isaga oo hore loogu xamanjiray in uu ahaa fataal (raga iyo naagaha isugeeya gaar ahaan madaxda). Guuleed ayaa isna hawshiisa dhankiisa kawadan jiray, balse mudo aan siifogayn bilaabay in uu casriyeeyo shaqadiisa cajaladana uu kaduubto dumarka uu faro xumaynaayo. Guuleed ayaa lasheegayaa in ay dhawr haween ahi ay shuraako kula ahaayeen hawshan kuwaasoo usoo kaxayn jiray badhaha iyo naagaha laqabo kadibna kaduubijiray fiidyow marka uu hawsha gudagalo. Sidokale waxaa lasheegayaa in uu ukiraysnaa guri aad u balaadhan kaas oo qolalka uu kusameeyo galmada-xaaraanta ahi ay ugu rakibnaayeen kamarado kuwaas oo uu rimuud kudaarijiray marka uu hawshiisa fulinaayo.

Gabdhahan uu faraxumeeyay Guuleed ayaa isugu jiray qaar uu daroogosiinjiray iyo qaar raali ka ahaa hawshan, balse aan ogayn in laga duubaayo kamarad. Haweenkan ayaa isugu jiray qaar reero iyo ciyaalba lahaa iyo qaar dhalinyaro ahaa, sidookale haweenkan ayaa lasheegayaa in ay kamid ahayd fanaanada caanka ah ee Saynab Labadhagax. Fanaanadan ayaa deegaanka markii ay timid shawyo badan dhigtay, hasayeeshee markii ay fadeexadani soobaxday aan dib loo arag, jidkana si dhuuban ku marta intii hawshani sookorodhay. Fanaanadan ayaa udhaqmi jirtay si aynan fanaaniinta kale udhaqmin, iyadoo si xadka kabaxsan isu qaawin jirtay marka ay shawga dhigayso ama qaadayso heesaha. “Cagtii joogsanwaydaa marbay Ceeb lakulantaa.” Waxaa dhacday in Saynab iyo naago iyo rag kale oo badan ay sumcad daro iyo ceeb wadanka uga tagayaan, gaar ahaan fanaanaddan oo caalamka meelwalba laga ogaaday, ahaydna fanaanad codkeeda ay jeclaayeen dad badani, aadna caan u ahayd.

Guuleed ayaa dhawaan lahorkeenay maxakamada gobolka isagoo ladabawado cajaladihii fiidyowga ee uu gacmihiisa ku duubtay iyo qaar kamida dadkii soo dacweeyay. Maxakamda ninkan ayaa dib loodigay iyada oon lagaranayn sababta maadaama aysan dacwadiisu u baahnayn in wakhti lasiisiyo sababtoo ah dacwadihiisu waxaa lagu hayaa cajalado maqal iyo muuqaal ah. Maxakamada gobolka ayaa dhawaan xabsiyo dhaadheer ku xukuntay bala nin oo mid uu axmaar ahaa kaas oo lagu xukuma 22 sano kadib markii uu kufsaday sadex gabdhood oo yaryar halka ninkale oo soomaali ah lagu xukuma 15 sano kadib markii uu kufsaday ilmoyar. Hadaba waxa ay dad badani iswaydiinayaa sababta ilaa hada ninkan loo xukumi waayay isaga oo waliba fara xumeeyay 27 dumar ah? Muxuuse noqondoonaa xukunkiisu?. Diinta Islaamka, dhanqanka suuban ee Soomaalida iyo dastuurka deegaanka iyo kan federaalku midna ma ogola falalka noocan oo kale ah. Gaar ahaan diinta Islaamka iyo dhanka suuban ee Soomaalidu meel fog ayay kataaganyihiin falalka noocan oo kale ah iyo qofkii kukacaba. Falkan ayaa ah foolxun oo ay waajibtahay in si wayn loo cambaareeyo.

Waxaa lasheegayaa in falkan ay ku luglahaayeen oo ay kaybgalayeen qaar kamida madaxda deegaanka kuwaas oon ilaa hada lashaacinin magacyadooda. Su’aasha labaad ee ay dadku iswaydiinayaan ayaa ah madaxda noocan ahi ma hogaamin karaan umada? Maxaase iyagana talaaboyin looga qaadan waayay?
Fadeexaddan dhaqan xumida ah, ee ay qayb wayn kayihiin madaxda deegaanku iyo dadka magaca leh ee deegaanka kunool waxay dhaqan burbur u horseedaysaa bulshada Soomaaliyeed ee deegaanka. Arintani waxay keenaysaa cudurrada dilaaga ah, sida AIDS-ka iyo cudurrada kale ee galmada laga qaado inuu si fudud ugu faafo bulshada Dawlad Deegaanka Soomaalida. Madaxda deegaanka, waxgaradka, culimada diinta, waaalidiinta, odayyada dhaqanka, aqoonyahanka, haweenka, dhalinyarada iyo dhamaan qaybaha bulshada waxaa lagama maarmaan ah inay iska kaashadaan sidii looga hortagi lahaa falalka noocan ookale ah ee dhaqanka bulshada lagu burburinayo, keenikarana inay bulshada kusoo kordhaan cudurrada dilaaga ah, sida AIDS-ka. Waxaa kale oo lagama maarmaan ah in bulshada deegaanka lawacyi galiyo, haliska ay bulshada kukeenikaraan falalka noocan ookale ah ee bulsho dumiska ah.

Shamso Cumar
Jigjiga,Kilil5 Online

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay