BBC Hard talk ugu diriin fariin Emailka ah:hardtalk@bbc.co.uk  si ay u weydiyaan US Secretary John Kerry.

 xoghayaha Wadanka mareykanka John Kerry ayaa socdaal ku tagi doona magaalada Xaqrunta Midowga Afrika ee ku taala magaalada Addis Ababa isaga oo ka qeyb qaadan doona xuska sanad guurada 50 maad ee midowga Afrika.

John Kerry waxaa socdaalkan ku wehelisa Wariyaha BBC-da ee lagu magacaabo Saynab Qardaawi oo wareysi la yeelan doonta John Kerry wareysigaas oo laga daawan doono Barnaamijka BBC ee loo yaqaano Hard Talk. Mudane John Kerry waxaa wareysigaas su’aalo weydiin doona dhalinyaro kasoo qeyb gali doona shir 26 may 2013.

Hadaba Saynab qardaawi iyo BBCda ayaa jaanis u siisay shacabweynaha daawan doona Barnaamijka Hard Talk inay su’alo weydiin karaan John Kerry iyaga oo usoo marinaya laanta BBCda ee Hard Talk.

Waxaad ugu haggaajin kartaan Su’alahaas Emailka ah:

hardtalk@bbc.co.uk 

ama Haddii aad account ku leedahay Twitterka waxaad ku diri kartaa fariintaada: #hardtalk #youthconnect

Saynab Qardaawi waa gabadh siyaasada geeska Afrika aad ula socota islamarkaasna su’ aalo aad u adag horey u weydiisay Danbiile Males Zenawi-gi dhintay. Iyada oo qadiyada ogadeniya ka wareystay.

John Kerry waxa uu kamid ahaa sidoo kale xubnihii Senatarada wadanka Mareykanka ee qadiyada Ogadeniya aad uga hadlay sanadihii 2006-2008 isaga oo warqado badan u diray gumeysiga Ethiopia.

fariintaada gudbi sida ugu dhaqso badan haddii aad rabto in lasoo qaato;

ONA

Sidoo kale aqri

ONLF oo warqad u gudin doonta shirka John Kerry ee African Union

 

 

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay