Oslo: Waxaa caawa fiidkii Xafiiska Jaaliyadda Soomaalida Ogaadeenya ee dalka  Norway  lagu soo dhaweeyey fanaanka caanka ah ee ka tirsanaa kooxda wadaniga  Bariga Africa ee Danab,  fanaan Abdiqani Mohamed oo loo yaqaano ”Qalbi”.

Munaasabada soo dhaweynta  fanaanka oo ay kasoo qeyb galeen Ururka Midowga Dhalinyarada iyo Ardayda Ogaadeenya (OYSU), ayuu fanaanku ka sheekeeyey dhibaatada Gumeysiga Tigreega ku hayaan shacabka Soomaaliyeed ee Ogaadeenya.

Fanaan  Abdikani Mohamed ayaa ka sheekeeyey duruufihii adkaa ee ay ku bilaabeen kuna shaqeynayeen bilowgii hore ee  kooxda Danab iyo siday caqabad ugu noqdeen damaacigii gumeysigu ku faafinayey dhagartiisa dalka Kenya, waxaana farxad iyo guul noo ah ayuu yidhi fanaanku  in maanta kooxda Xidigaha Danab ee Geeska Afrika ay  heehaabayaan samada sare oo aan la hollin kareyn.

Fanaanka Abdikani oo qaada badanaa heeso isugu jira Wadani & Jacayl ba ayaa la filayaa dhawaan inuu soo saaro heeso dhawr ah oo uu  kaga dhiidhinayo dulmiga iyo dhibaatada xun ee Gumeysiga iyo Askarta Itoobiya u geysanayaan Biri-magaydadda iyo dhallaanka ku dhaqan Ogaadeenya.

Sidoo kale, Fanaanka Wadaniga ah ayaa uga mahad celiyey Jaaliyadda iyo Ururka Wadaniga ah ee dhalinta OYSU-Norway sida wanaagsan ee ay u qaabileen,  islamarkaasna u sharfeen, isagoo mahad naq iyo Salaan qaali ah hawada u mariyey maruu Wareysi siinayey ILAYS-TV, Kooxda Danab, hadday ahaan lahayd Abwaano iyo Xubno kaleba.

Geesinimada iyo Wadaniyadda Abwaanka ayaa muujinaysay heerka uu gaadhsiisan yahay fashilka haysta Gumeysatada Itoobiya, oo xaalkeedu noqday  ”Neef la gawracay geedo kama waabto”.  Waxaana hubaal ah inay fanaaniintu kor u qaadaan wacyiga iyo waayaha bulshada halganka kujirta.

Wareysi gaar ah oo ILAYS TV la yeelatay Fanaanka hoos ka daawo:

http://www.youtube.com/watch?v=EjXU-0GMBro&feature=em-upload_owner

Mohamed Ilyas

ONA/Norway.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay