Mudane Mujaahid Shekh Ibrahim Cabdalla oo markale loo doortay inuu siihayo xilka Xoghayaha Guud ee urur-waynaha Midawga Dhalinyarada iyo Ardayda Ogadenia ee OYSU sadaxda sano ee soosocota haduu eebuhu yiraahdo.

Tan iyo inteey bilaabatay codbixinta doorashada Xoghayaha Guud ee OYSU todobaad kahor taasooy kawada qaybqaateen dhamaan urur hoosaadyada ku bahoobay dallada OYSU oo ka dhacday daafaha aduunka yaa kusoo dhamaatay inay kudhawaaqaan Gudiga Qaban Qaabada Doorashada natiijadii kama dambaysta ahayd taasoo kadhacday madasha shirwaynaha ururka Dhalinyarada oo kafurmay 22 May 2013, magaalada San Diego ee gobolka California ee wadanka Maraykanka.

Doorashada oo udhacday si cadaalad iyo dimuqraadiyad kudheehan tahay yay guushu kuraacday Mudane Mujaahid Shekh Ibrahim Cabdalla, oo ka guulaystay musharaxa latartamayay oo ahaa Mudane Cabdicasiis Aadan Xassan, oo si ay ka muuqato xilkasnimo iyo bisayl siyaasi ah ku aqbalay natiijadii doorashada isla markaana utahniyadeeyay mudanaha guushu ay raacday. Mudane Mujaahid yaa helay tiro kufilan taasoo u ogolaanaysa inuu markale siihayo xilka Xoghayenimada ururka OYSU sadexda sano ee soosocota.

Waa Kuma Mudane Mujaahid Shekh Ibrahim Cabdalla?

Mujaahid waa nin dhalinyaro ah oo kusoo barbaaray guri halgan, kaasoo uu kadhaxlay aabihii oo ka mid ahaa asaasayaashii Jabahadda Wadaniga Xoreynta Ogadenia Allaha Uraxmee Shekh Ibrahim Cabdalla. Mujaahid wuxuu ku dhashay wadankaSomaliaoo qoyskoodu ku noolaayeen sanadkii 1980. Mudane Mujaahid wuxuu soo qabtay xilal kala duwan dhaq-dhaqaaqa Dhalinyarada Ogadenya. Wuxuu ahaa 2006- Masuulka Dhaqaalaha OSF, 2007-Gudomiye Kuxigenka OSF, 2008- Gudomiyaha Ururkii Dhalinyarada Qaarada Yurub OYL iyo isagoo loo dortay 2010-2013 Xoghayaha Guud ee OYSU.

Intuu xilka Xoghayaha Guud ee OYSU hayay wuxuu Ururku Uqabtay Qadiyadda & Shacabka Ogadenia 3dii Sano ee lasoo dhaafay:-

  • Midaynta Garaadka, Xoogga Iyo Aqoonta Dhalinyarada & Ardayda Ogadenia.
  • Abaabul & Wacyigalin Balaadhan Kaasoo Saameeyay Dhamaan Qaybaha Bulshada.
  • Usamaynta Saaxiibbo Garab Istaaga Qadiyadda Shacabkeenan Ogadenia.
  • Shaacinta Xasuuqqa Iyo Gumaadka Ka Jira Ogadenia.
  • Kor Uqaadka Hidaha & Dhaqanka Suuban Ee Somalida Ogadenia.
  • Kor Uqaadka Baraarugga Dhalinyarada & Ku beeridda Jecaylka Waddaninimo.
  • Xoojinta & Garab Istaagga Qaybihii Kale Ee Ururadii Bulshada.
  • Gacan Ka Geesashada Baahiyaha Baddan ee Haysata Shacab Weynaha Ogadenia Intii La Karay.

 

Maxaytahay Sababta uu  Markale oogu soo laabtay xilka Xoghayaha Guud ee OYSU?

  • Isagoo si shakhsi ah Uqiimeeyay  Hawlaha Maamulka Qabyada Ka ah Ee Dhamaystirka Ubaahan.
  • 3dii Sano Ee Ururka uu hogaamiyay oo dhaxalsiisay Waayo-Aragnimo & Aqoon badan.
  • Qiimeeyn uu kusameeyay Xiliga Lagu Jiro Iyo Baahida Loo Qabo In Shacabkeenu Ubaahanyahy In Laga Saaro Xiligan Adag Ee Ay Ku Jiraan.
  • Isagoo darsay talooyin wax ku,ool ah oo kagasoo Gaadhay Qaar Badan oo Ka Mida Masuuliyiinta  & Xubnaha Ururka.
  • Sidoo kale isagoo Qiimeeyay soojeedinta Gudiga Fulinta Ururka & Madax Kamida Hogaanka Sare Ee Shacabka Ogadenia.

Muxuu Balanqaadi Doonaa Haduu Markale Kuguuleystay Xilka Xoghayenimada?

  •  Diyaarinta Maamul Kuhisan Aqoon, Ururnimo, Lexjeclo iyo Waayo-Aragnimo Halgan.
  • Kor Uqaadka Isfahanka Iyo Wada Shaqaynta Udhaxaysa Ururka & Qaybaha Kale ee Jaaliyaadka Ogadenia.
  • Samaynta olole kor loogu qaadayo Aqoonta & Waxbarashada Dhalinyarada Iyo Ardayda Ogadenia.
  • Sii adkaynta Midnimada Ururka, Kudhaqanka Xeerka Ururka, Muujinta Dhaqanka Suuban ee Islaamka Iyo Ladagaalanka Cudurada Bulshada Ee Gumaystuhu Adeegsado.
  • Soosaarista Jiilkii Mustaqbalka Shacabka Ogadenia hogaamin lahaa.
  • Isku Xidhka Dhalinyarada & Ardayda Gudaha iyo Dibbadda.
  • Kobcinta Samafalka Ururku Qabto.
  • Xoojinta Saxaafada iyo Isgaadhsiinta uu Leeyahay Ururku.
  • Geenta Saxaafadda Gudaha Ogadenia iyo Meelaha kale ee Baahida Shacabku Kajirto.
  • Xoojinta Soo Bandhigga Tacadiyada & Xadgudubyada Laguhayo Shacabka Ogadenia.
  • Balaadhinta ilaha Dhaqaale ee Ururku Gacanta Kuhayo.
  • Kor Uqaadista hal-abuurka Fanka & Suugaanta, Sportiga Iyo Wiliba Barnaamijyada Ururku Kushaqeeyo.
  • Dajinta Siyaasad Kuwajahan Cadawga Iyo Cadaw-Kalkaalka.

Waxaan Dhamaan Xubnaha Dhalinyarada & Ardayda Somaalida Ogadenia Meelkasta ooy Kalla joogan kacodsanaynaa inay waxbadan qiimeyndoonaan, Maadaamoo Lagujirro waqti adag oo ubaahan in siwada jir ah loogu hawlgalo. Waxaan Alle Kabaryaynaa Inay dhalintu fuguuleysandoonaan fulinta iyo hirgalinta waajibaadka ee dhamaantood miiska uwada saaran.

Mintid! Midnimo! Isku-Tashi! Allahu-Akbar!

 

ONA

 
 

1 Comment

  1. Cabdikariin says:

    Maasha allaah, xilka aad qaaday allaha kuu fududeeyo! Aamiin

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay