Waxaa caawa magaalada San Diego ee gobolka California, lagu soo gabagabeeyey shirweynihii ururka OYSU. Shirkan ayaa waxaa sannadkan martigaliyey OYSU San Diego, waxaana kasoo qaybgalay xubno iyo marti sharaf gaadhaya 100 qof. Shirkan oo ka koobnaa afar maalmood ayaa saddexdii maalmood ee hore ay ahaayeen kuwo albaabadu uxidhan yihiin iyada oo loogaga hadlay habsami u socodka ururka, laguna soo bandhigay seminaaro, aqoon isweydaarsi iyo doodo cilmiyeysan. Waxaa kaloo lagu doortay guddomiyaha urur weynaha sutida u qaban lahaa hoggaanka saddexda sano ee soo socda.

Haddaba shirka maanta oo ahaa mid u furan dadweynaha ayaa waxaa kasoo qaybgalay shacab  weynaha Soomaaliyeed ku dhaqan magaalada San Diego iyo nawaaxigeeda.

Shirkan ayaa waxaa lagu martiqaaday wafti heer sare ah oo kasocday ururka ONLF, wafdigan ayaa waxay kala ahaayeen guddoomiye kuxigeenka ONLF Dr. Maxamed Ismaciil Cumar iyo madaxa hoggaanka abaabulka iyo arrimaha bulshada mudane Maxamed Cabdi Yassin “Diirrane”.

Waxaa kaloo isna lagu martiqaaday wariyaha caanka ah ee reer UK Graham Peebles oo isagu ka hadlay arrimaha Ogadenia iyo xaaladda maanta.

Madaxda ururka OYSU ee waaxyaha kala duwan iyo xubno kala duwan ayaa khudbado dhinacyo badan taabanay iyana kasoo jeediyey madasha shirka.

Ururka OYSU ayaa rajeynaya in qodobada iyo go’aamada ka soo baxay shirweynaha sannadkan ay noqdaan kuwa waxtarka ururka kor usii qaada.

Videoga shirkan iyo qodobadii go’aamada kasoo baxay ayaan kol dhow idiin soo gudbin doonaa haddii alle idmo.


Abdirahman Hollywood

Shiweynaha OYSU

San Diego, CA

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay