Shir ka dhacay Xagardheer oo ay isugu yimaadeen Jaaliyada Ogadeniya ee Dhadhaab
Maalinimadi Sabtida 26/5/13 waxaa xerada xagar dheere ee deegaanka dhadhaab kadhacay shir balaadhan oo ay kasoo qayb galeen faracyada jaaliyada ogadenia ee kahowlgala woqooyi bari Kenya
Shirkan oo ahaa kii ugu balaadhnaa ee noociisa ah waxaa kasoo qayb galay faraca barsan ee kadhisan magaalada gaarisa, faraca iftiin ee xerada xagardheere, faraca muftaaxulxoriyo ee xerada ifo, faraca midnimo ee xerada dhagaxlay iyo faraca cusub ee kahowlgala gudaha dagmada dhadhaab
Shirkan oo ay kalfadhigan marti galinaysay xerada xagardheere wuxuu ahaa mid aad loogu lafa guray howlo badan oo ay kamid yihiin arimaha qoxootiga ogadenia ee dhadhaab iyo howlaha halganka mid guud iyo mid gaarba
Shirka ayaa furmay abaarihii 11:00 barqinimo waxaa sidii caadada ahayd lagufuray aayadaha qur’aanka kariimka ah iyo wacdi diini ah waxaana lagudagalay ajandayaashii shirka oo ay wufuudkasta wadatay qodobo ay isleehiin waxay dan uyihiin dadka iyo dalka ogadenia
Dood dheer iyo falanqayn aad ubadan kadib waxaa la’isla meeldhigay qodobo dhowr ah oo lagu shaqayn doono hadii alle idmo
Waxaa laga hadlay abaabulka, amaanka, iyo waxbarashada dhalinyarada kudhaqan wadanka Kenya gaar ahaan gobolka woqooyi bari
Waxay wufuudu isku waafaqeen in laga faa’iidaysto fursadaha jira si halganku ugaadho meesha ladoonayo
Dhinaca kale waxaa shirka marti sharaf ka ahaa daahir maxamad cali oo kamid ah odayaasha qoxootiga ree ogadenia oo warbixin dhinacyo badan taabanaysa siiyay wufuudii shirka fadhiday wuxuuna mudane daahir sheegay in ay xaalada qoxootiga ogadenia kalahadleen UNHCR meel fiicana uu wada hadalku umarayo
Sidoo kale waxaa marti ku ahaa shirka mudane c/casiis oo ah wakiilka agoonta ree ogadenia ee xerada xagardheere wuxuuna warbixin kadhiibay xaalada agoobta kusugan guud ahaan dhadhaab
Guntii iyo gabagabadii wuxuu shirku isku raacay qodobo muhiim ah oo lafilayo in ay waxbadan kusoo kordhiyaan geedi socodka halganka
Sidoo kale shirka waxaa kasoo baxay baayaan uqaybsan canbaaray digniin iyo bogaadin
Canbaarayn
Waxaan canbaaraynaynaa ciidamada gumaysiga itoobiya ee xasuuqa joogtada ah kuhaya shacabka aan waxba galabsanin ee ree ogadenia ayay dheheen iyagoo soo qaatay xasuuqyadii ugu danbeeyay sida kii malqaqa kadhacay iyo kuwo kale
Digniin
Waxay digniin udireen kuwa dhidid dhowrka u ah ciidamada gumaysiga ee diirka soomaaliyeed leh oo ay uga digeen in ay kasoo laabtaan falalka ay kujiraan inta ay goori goortahay
Bogaadin
Waxay bogaadin udireen CWXO ee meel saaray damicii gumaysiga iyo shacabka ree ogadenia gude iyo dibadba kuwaas oo ay kusheegeen in ay yihiin geesiyaal jabiyay hankii gumaysiga
G/gundiid
ONA dhadhaab
Comments are closed
Sorry, but you cannot leave a comment for this post.