Waxaa kadhacay magaalada Port Elizabeth ee xarunta gobolka Eastern Cape Shirkii Xubnaha Jaaliyadda Ogadeniya ee Koonfur Africa Shirkanoo ahaa Shir ay kasoo qaybgaleen dhamaan Xunbaha (JOKA ) ee kusugan gobolka Eastern Cape ayaa ahaa kulan isugujiray kala warqaadasho Abaabul iyo wadatashi  sidii loosii xoojin lahaa  waxqabadka Jaaliyada.

Waxaa shirka furay isla markaana warbixin kasoo jeediyay Gudoomiyaha Jaaliyadda mudane C/raxman Siciid wuxuuna  gudoomiyuhu madasha kasheegay in Qadiyada Ogadeniya muwaadiniinta udhalatay Ogadeniya  kutahay  muqadas isla mar ahaantaana  loobaahan yahay in lasiixoojiyo dadaalka loogu hiilinayo Shacabka Somalida Ogadeniya eey Gumaysiga Itoobiya dulmiga kuhaysto.

Waxaa kale  oo Shirka kahadlay Aqoonyahanka, Hooyooyin iyo Masuuliyiin kale oo  Jaaliyadda Ogadeniya ee Koonfur Africa katirsan waxayna dhamaantood Sheegeen inay Qadiyadda Ogadeniya tahay Qadiyad aan gumaysiga kusiijiri doonin balse ubaahan dadaal iyo xoojinta Halganka  looga baahan yahay si xanuunka gumaysiga looga xoroobo. Shirkan ayaa ahaa shir ay Xubnihii kasoo qaybgalay qiiro wadaniyadeed iyo dareen halgan ka muuqatay wajiyadooda waxaana kasoo baxay shirka qodobo dhaxalgal u,ah arimaha Jaaliyadda iyo Qadiyadda Ogadeniya.

Shirkan ayaa Hambalyo iyo Boogaadin udiray Ururka Midawga Dhalinyarada iyo Ardayda Ogadeniya (OYSU) oo marlabaad udoortay Mudane Mujaahid Sheikh Ibraahim Cabdalla oo noqday  Xoghayaha guud ee OYSU doorashadaas oo udhacday sii ay labada musharaxba ku qanacsanaayeen.

Jaaliyadda Ogadeniya ee Wadanka  Koonfur Africa ayaa  bulshada qaybaheeda  kaladuwan uqabanaysa Shirar isugujira abaabul, wacyigalin iyo aqoon iswaydaarsi waxaana todobaadkan uqorshaysan inay Jaaliyadu qabato Shirar kale kuwasoo ay looqaban doonto bulshada Soomaaliyeed ee kunool wadanka Koonfur Africa.

 

ONA

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay