Waxaa ka socday magaalada San diego ee carliga Maraykan shirwaynihii labaad ee Ururka Midowga Dhalinyarada iyo Ardayda Ogaadeeniya “Ogaden Youth & Students Union” (OYSU).

Waxaa shirka ka soo qaybgalay xubnaha ururka ee aduunka dacaladiisa, xubno ka kala socday Jaaliyadaha Ogaadeeniya, Marti sharaf, iyo waliba Madaxda Jabhada Wadaniga Xoreynta Ogaadeeniya (JWXO).

Shirwaynaha oo socday bishan 22-27 keedii ayaa wuxuu Maalinimadii Axada, kusoo gabagaboobay guul wax ku ool-ah waxaana ka soo baxay go’aano dhaxalgal ah oo la filayo in dhamaan ururwaynaha OYSU faracyadiisa kala duwani ay ku hawlgalidoonaan mudada sadex sano ee soo socota.

Waxay Wakaaladda Wararka Ogadenya (ONA) u rajayanayaan Dhalinyarada Ogadenya ee muujiyay xilkasnimada ay ku dheehantahay Wadan jacaylka iyo kartida inuu Ilaahay u fududeeyo xilka ay qadeen.

Go’aanadii ka soo baxay Ururka Dhalinyarada OYSU halkan ka akhri:

Go’aamadii Shirwaynihii Guud ee OYSU 2013

Sii Akhri:

http://djiboutiplan.com/category/news/page/3/

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay