Odayaasha iyo Cuqaasha Ogadeniya ee magaalada Korsten iyo Hawl wadenada Jaaliyadda Ogadeniya ee Koonfur Africa oo Kulmay.

Qaar ka mida Odayaasha iyo Cuqaasha Somaalida Ogadeniya ee magaalada Korsten iyo masuuliyiin Ka socday gudiga Fulinta ee Jaaliyadda Ogadeniya ee Koonfur Africaa  ayaa kulan wada- tashi ah ku yeeshay Xafiiska Ururka Midawga Dhalinyarada iyo Ardayda Ogadeniya (OYSU) ee gobolka Eastern Cape gaar ahaan magaalada Korsten

Kulankan oo ay soo qaban qaabisay Jaaliyadda Ogadeniya ayaa lagu furay wacdi diini ah kadib waxaa khudbad dheer oo ku saabsanayd caqabadaha ku yimaada bulshada Somalida  Ogadeniya ee ku nool wadanka Koonfur Africa iyo xaalada guud ee Ogadeniya  ka soo jeediyay gudoomiyaha  Jaaliyadda Ogadeniya ee South Africa mudane Cabdiraxman Siciid

Waxaa kale   khadka Telefoonka ee magaalada Nairobi kagala qayb qaatay Kuxigeenka Hogaanka Warfaafinta ee Jabhadda Wadaninga Xoreynta Ogadeniya (Jwxo ) mudane Maxamed Shariif oo dhawaan ka soo laabtay Gudaha Ogadeniya.

Mudane Maxamed Shariif wuxuu Odayaashii Kulanka ka sooqayb galay siiyay warbixino meelo badan taabanaayay iyo Xaalada dhabta ah ee Ogadeniya ka jirta

Dhanka kale waxaa kulanka kahadlay Odayaal iyo Cuqaal kamida Odayaashi shirka  ka soo qayb galay waxayna sheegeen in ay Taageersan yihiin Halganka Hubaysan ee ay Jabhadda ONLF hogaaminayso isla markaana ka xunyihiin xadgudub-yada Kadhan ka ah xuquuqul insaanka ee kadhacaya dhamaan dhulka Somalida Ogadeniya waxayna sheegeen inay Saxaafada Caalamka iyo Tan Somaaliyeed-ba u soo ban dhigayaan waxa ka dhacaaya Ogadeniya

Kulankan ayaa ahaa kulan wadatashi iyo aqoon is waydaarsi ah waxayna dhamaan masuuliyiintii ka hadashay iyo Odayaashu  isla qaateen in ay isku xidhnaadaan islamarkaana u gurmadaan shacabka Somalida Ogadeniya ee Saxaafada laga xayiray

Xayi Yare

Korsten

South Africa

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay