Qoraaga Teshome Debalke maqaalka xiisa leh ee cinwaanka uu uga dhigay; – Africa Union: Is it aUnion of brutal tyrants or the people of African? – oo macnaha loola jeedo yahay; Midowga Afrika : Ma meel ay ku kulmaanbaa Kaligood Taliyayaal ama waa meel kulmisa Daweynaha Afrika?, wuxuu kaga hadlay arima badan oo xaqiiqa ah, hasa ahaatee qodobka ugu horeeya  ee ah in xukuumadda EPRDF/TPLF ee ka talisa magaalada xarunta u ah Midowga Afrika ay tahay xukuumad ku kala qaybisay Itobiya qawmiyado iyo diimo, taasoo siduu sheegay ka soo horjeeda mabda’a asaasiga ah ee Midowga Afrika oo dhigaya in la ilaaliyo xuduudaha iyo wadajirka dawladaha Afrika, waxaa ka muuqato inuu jeclaan lahaa in cajaladda taariikhda dalka Itobiya dib loogu celiyo cahdigii gumaysiga iyo Inkiraadda jiritaanka Qawmiyad aan ahayn Amxaaro. Wuxuu waliba intaa raaciyay qoraaga inay Itobiya ahayd midii ka shaqaysay midaynta Afrika ( .. and the country that was the instrument in uniting Africans), isagoo ula jeeda inay xukuumadda EPRDF/TPLF kala dirayaan Itobiya maadaama ay aqoonsadeen jiritaanka qawmiyada siman.

Waxaa hubaal ah qof ka mid ah qawmiyadaha ku dulman taariikhda Itobiya in aanu ku raacaynin qoraaga Teshome Debalke taxliilkiisaa. Gaar ahaan shacabka Somaliyeed ee Ogadenya. Shacabka S.Ogadenya waxay Itobiya u adeegsatay qodobka ka hadlaya xuduudaha ee ururka OAU inay xuquuqdooda ku duudsido. Hadaan xoogaa yarehe jaleecno xaaladihii ka jiray Afrika 1963gii asaaskii Ururka Midowga Afrika, waxaad ogaani sida khaa’inimada ah ee la isugu xidhay loogana dhaadhiciyay dawladihii Afrika laba qadiyad oo kala jaad ah taasoo lagu duudsiyay xuquuqdii Aaya-Katashi ee shacabka Ogadenya. Qadiyadda Xuduudaha Afrika uu gumaysigii reer Yurub uga tagay iyo qadiyadda shacabka Ogadenya uu ka dhexlay gumaysigaa ee Itobiya loogu gacan galiyay.

Waxaa dhab ah in xuduudaha Afrika ay xariiqeen dawladihii reer Yurub ee gumaysiga u yimid. Xuduudahaa waxay kala geeyeen shacab mid ahaa iyo qabaa’il wada daganaa oo lahaa nidaam dhaqan-dhaqaale (Socio-economy) oo midaysan. Waxaa kulmay hadaba Asaaskii OAU ee 1963dii oo dawlada cusub oo ka xoroobay gumaysigii reer Yurub ey dhasheen iyadoo shucuub badan oo Afrika ah ay ku kala qaybsanyihiin xuduudo aanay raali ka ahayn. Waxay ka mid tahay taariikhda Afrika oo lagu xilay (xal kalena ma lahayn waqtigaa) in xuduudaha loo daayo siduu gumaysiga uga tagay.

Itobiya waxay noqotay sheeka caruureedii ahayd Tukaha yidhi marna haadka hal’igu tiriyo suu ula cuno bakhtiga marna shimbiraha suu ula cuno midhaha. Meel waxay ka mid ahayd dawladihii Yurub ee kala qaybsaday Afrika, markii dambana waxay ka mid noqotay dawladaha Afrika ee ku doodayay xuduudaha siduu kaga tagay Isticmaarkii reer Yurub haloo daayo.

Mucaaradka Itobiya ee qawmiyadda Amxaarada ay hormuudka u tahay waxaa la gudboon inay dib u akhriyaan taariikhda (Riix Halakn) oo aanay u barooranin taariikhda mugdiga ah ee Boqortooyadii Abyssinia ee dhaxalsiisay shucuubta dariska la’ah ee (Cushitic)-ga dhibaatada aan la koobi karin. Inay ka fikiraan sidii shucuubta ku dhaqan Geeska Afrika, gaar ahaan Itobiya ay iyagoo xor ah oo kalsooni iyo wada-noolaasho uu ka dhexeeyo ay u wada joogi lahaayeen gayigaa ay ku wada nool yihiin.

Sikastaba ha ahaatee waxaa maalmihii la soo dhaafay ka socda caasimadaa dalka Itobiya oo Xarun u ah Midowga Afrika dabaaladagga sanadguuradii 50-aad ee ka soo wareegatay markii la asaasay ururkii ka horeeyay ee la odhan jiray Ururka Midowga Afrika – OAU -.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay