Faraca Jaaliyadda Ogadeniya ee magaalada  East London ee gobolka Eastern Cape iyo wafdi ka socday gudiga fulinta Jaaliyadda Ogadeniya ee Koonfur Africa oo uu hogaaminaayay  gudoomiyaha Jaaliyadda JOKA  Mudane Cabdiraxman Siciid  kana soo ambabaxay magaalada Port Elizabeth ee Xuarunta gobolka Eastern Cape ayaa maanta Kulan ku yeeshay Xafiiska Faraca East London.

Shirkan oo uu soo qaban qaabiyay Faraca Jaaliyadda Ogadeniya ee East London ayaa waxaa ka sooqaybgalay dhamaan Xubnaha Faraca Jaaliyadda, wafdiga ka socday Xarunta JOKA ,iyo marti sharaf kale , shirkan  ayaa ahaa shir Abaabul  Kormeer iyo wadatashi isugu jiray iyada oo u jeedadiisa kowaad aheyd sidii loo sii xoojin lahaa waxqabadka Jaaliyada.
Waxaa shirka furay gudomiyaha Faraca Ileys (East London ) Jaale Axmed Tawakal  wuxuuna ka warbixiyay  Axmed  xaalada Faraca wuxuuna sheegay inay dadka ku nool East London yahay shacab u ooman Xoriyada Ogadeniya islamarkaana  diyaar u ah in ay sii xoo jiyaan waxqabad kooda ay ugu hiilinayaan Shacabka Somaalida Ogadeniya ee ay Xukuumada Itobiya gumaysato.

Dhankakale waxaa  khudbad dheer oo ku aadan xaalada Somalida Ogadeniya ee ku nool wadanka Koonfur Africa iyo waxyaabaha  la soo darsa  iyo rabshadaha  ka dhaca ee lagu wax yeeleeyo muwaadaniin u dhalatay Ogadeniya iyo warbixin guud  oo Ogadeniya loogawaramay halkaas kasoo  jeediyay Gudomiyaha. Gudomiyuhu waxuu sheegay  in gumeysiga Ethiopia isku dayay waxkasta oo ay halganka Ogadeniya ku caqabadayn lahayd  balse iyadii ayaaba burbur qarka u saaran isla markaana ku guul daraysatay qorshayaa-sheeda.

Shirkan oo ahaa shir Abaabul , Kormeer,iyo wadatashi  ayaa ugu dambayntii  maamul Cusub loogu sameeyay Faraca East London ee gobolka Eastern Cape.

kulankan oo ay ka hadleen Hooyooyin, dhalinyaro-aqoonyahano, masuuliyiin katirsan Ururka OYSU ee gobolka Eastern Cape , ayaa waxay dhamaan tood isku raaceen sidii loo garab istaagi lahaa shacabka Somalida Ogadeniya ee ay Ciidamada Itoobiya  kula kacaan falalka arxan darada ah ee ka dhanka ah  xuquuqda aadamaha

Xayi Yare

East London

South Africa

ONA

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay