Waxaa kula yeeshay Odayaasha iyo waxgaradka Ogadeniya ee magaalada East London iyo wafdi ka socday gudiga Fulinta ee Jaaliyadda Ogadeniya ee Koonfur Africa , kulankaasoo ka dhacay Xafiiska Jaaliyadda Ogadeniya ee East London.

Kulankan oo ay soo qaban qaabisay Jaaliyaddu ayaa waxaa ka soo  qayb galay dad farabadan oo isugu jiray Odaayaal , Cuqaal, waxgarad, iyo Culumo-awdiin, waxaana khudbad waafiya oo aad u xiiso galisay Cuqaashii kulanka fadhiday ka soo jeediyay gudoomiyaha Jaaliyadda Ogadeniya ee Koonfur Africa  N/Hure C/raxman Siciid, khudbadaa oo  ku saabsanayd xaalada Shacabka Somalida Ogadeniya ee ku dhaqan wadanka Koonfur Africa oo marar badan lagu wax yeeleeyo rabshado kadhaca wadanka Koonfur Africa  iyo warbixin gudaha Ogadeniya ah.

Dhankakale waxay Culumo-awdiinkii  iyo waxgaradkii  goobta isugu yimid sheegeen isla markaana  isku raceen in dagaalka  ka socda Ogadeniya ee lagu xoreynaayo dhamaan dhulka Somalida Ogadeniya  yahay dagaal waajib ah loona baahan yahay in qof-walba ka qayb qaato si loo hello masiirka, iyo Aayo-katalinta shacabka Somalida Ogadeniya

Shirkan oo kamid ahaa Shirarkii ay Jaaliyaddu u qabanaysay  bulshada Somalida Ogadeniya ee Koonfur Africa  ayaa waxaa ka hadlay  Culumo-awdiin iyo waxgaradkii ka soo qaybgalay  waxaana  ka mid ahaa hadaladii Odayaasha qaarkood ( ONLF intay Dastuurka Itoobiya qaadan lahayd Hakala tagto )  iyada oo uu kulanku qaatay Saacado ayaaa waxaa ka  soo baxay qodobo muhiima ah

ma aha markii ugu horaysay ee ay kulan noocan oo kale ah isugu yimaadaan waxgaradka iyo Odayaasha Ogadeniya ee ku nool wadanka Koonfur Africa horaantii todobaadkan ayay ahayd markay Shir wada-tashi ah ku yeesheen magaalada Port Elizabeth ee Xarunta gobolka  Eastern Cape Jaaliyadda Ogadeniya ayaa wada qorsheyaal isugu jirra Abaabul kormeer wadatashi iyo Aqoon-iswaydaarsi  , kulamadan iyo shirarkan ayaa lafilayaa inay kadhacaan dhaman gobolada wadanka South Africa

Xayi Yare

East London

South Africa

 

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay