Xidhiidhka iyo wada-noolaashaha shucuubta kala jaadka ah ee dariska ah waxaa asaas u ah is-qadarin iyo in la aamino xuquuqda shacab walba uu u leeyahay inuu dalkiisa si xor ah ugu noolaado. Waa inay jirto taariikh sugan oo la xaqiijin karo oo ka dhexeeysa shucuubtaa. Iyadoo la ogsoonyahay in shacab walba uu leeyahay waxyaaba khuraafaad ah (Legendary or Myth) oo lagu sheekaysto ..

Hasa ahaatee; Itobiya waxay caan ku tahay doqonnimo huwan isla-weyne ka dhalatay boqolaal sano oy caalamka kaga xanibnayd buurahii ay ka soo daadageen qarnigii 18aad. Waa shacab la aaminsiiyey sheekooyin khuraafaad ah (myths), oo u haysta inaysan jirin xaqiiqa kale oon midaa ahayn. Shacabka  caalamka ee u furfuran dibadaha ee la socda inay caalamka ku nool yihiin umada kale oy ka dhexeyso dhanwalba wax wadaqabsi ku dhisan –keen oo qaado (give and take), wuxuu fahmayaa siyaabaha loo xaliyo mushkiladaha ka dhexeeya shucuubta dariska la’ah. Itobiya waxay ahayd boqortooyo isku xidhay buuraha waqooyi barri ee dalkaa tan iyo markii la jabiyay boqotooyadii Aksum, gaar ahaan intii uu caalamka ku fiday Khilaafadii Islaamka. Xayndaabkaa ay isku xidhay boqortooyadii Abyssinia waxaa ka dhashay in shacabka la aaminsiiyo quraafaad badan oo lagu dhisayo boqortooyada.

Asalkaba waxa loo yaqaano Khuraafaad oo afka Ingriiska lagu dhoh (Myths) , shacab walba wuu leeyahay, hasa ahaatee farqiga u dhexeeya midka Itobiya iyo midka shucuubta kale waa habka loo aaminsanyahay. Shucuubta kale waxay ogyihiin inay waxaase yihiin Khuraafaad, hasa ahaatee Itobiya waa meesha kale ah ee khuraafaadkaa laga dhigay taariikh dugsiyada iyo jaamacadaha lagu dhigo. Boqortooyadii Abyssinia ee la ogsoonyahay waqtiga ay ka soo daadagtay buuraha iyo boqorkii ka soo gadhqaaday ayaa waxaa loogu dhigaa dugsiyada taariikh odhanaysa Itobiya ayaa ka talin jirtay guud ahaan Geeska Afrika.

Hadaan qodobo ka yarehe ifino khuraafaadka shacabka Itobiya gaar ahaan Amxaarada iyo Tigreega la aaminsiiyay waxaa ka mid ah;

1- in Nabi Sulaymaan oo boqor ahaa uu la seexday boqorad Xabashi ah oy ku magacaabaan Sheba oo markay uuraysatay ka soo tagtay ka dibna dhashay boqor Minilkii 1aad. Waa sheeko aan taariikh ahaan u sugnayn marka la baadho qarniyada ay joogeen labadooda oo xataa kutubta diinta ee Tawraad aanay waxba ka qorin.

2-Boqor Xayle Salasi oo la yaqaano qoyska uu ka soo jeedo, aabihii Ras Mekonin uu ahaa beeralay ku soo koray tuulada Gara Muleta intuuna noqonin ciidanka, ayaa markuu qabsaday boqortooyada yidhi waxaan ka soo jeedaa qabiilkii Yuhuuda ee Judah, magacisii ahaa Teferi Mekonin u badalay Xayle Silaase oo yidhi hala iigu yeedho; King of Kings, Lord of Lords, Conquering Lion of the Tribe of Judah, Elect of God and Power of theTrinity. Cidna kama dabahadlin.

3-Waxaa sidoo kale aan waxba ka jirin taariikhda ay sheegtaan ee ah inay leeyihiin xadaarad soo taxnayd 3000 oo sano. Waxayna isku khaldaan xadaaradihii ka unkamay Koonfurta Badda Cas oo is bad-badalayay iyo boqortooyada qabaa’ilka Xabashi (Habasha) ee markii dambe ka soo haajiray dhanka Yemen ee qabsaday.

4-Taariikhda (Calandar) ay ku tilmaamaan inay tahay mid Itobiya u gaar ah oo laga curiyay ayaan iyadana waxba ka jirin. Taariikhda Itobiya (Habasha Calendar) waxaa la yidhaahdaa (Julian Calendar) waxaana hirgaliyay boqorkii Romaanka ee Julius Caesar, waxaana keenay dalka Abyssinia (Itobiya) kaniisada Qibdhiga Masar.

5- Waxaa intaaba ka daran arinta laga dhaadhiciyay ee odhanaysa waxaan haynaa Taabuutkii Nabi Muuse CS oo yaala kaniisad yar oo ku taala Aksum. Waxay yidhaahdaan Minilk 1aad ayaa markuu weynaaday aaday aabihii Sulamaan CS. Muddo markuu la joogay ayuu ka soo noqday waxaana soo raacay wiilkii ugu weynaa reerka oo soo xaday Taabuutka. Minilk markuu ogaaday in la soo xaday hasa ahaatee aanay wax dhib ah ka soo gaadhin ayuu aaminay in Ilaahay uu sidaa gartay halkii ayuuna u daayay. Khuraafadaa oon loo haynin wax xaqiijinaya ayay ilaa maanta dul fadhiyaan masiixiyiinta Itobiya oo laga dhaahdiciyay in baadariga ilaaliya kaligii un uu arki karo taabuutkaa oon qof kale loo ogolayn. Midkaa markuu dhintana midka ku xiga. Waa si aan waligeedba loo xaqiijin.

6-Sidoo kale farta ay qoraan ee loo yaqaano GEEZ oy ku sheegaan inay tahay mid iyaga ay samaysteen ayaa been ah. Fartan waxaa soo qaaday dadkii diinta masiixiyada waday waxaana ugu horeyn lagu qoray dalka Yemen. Ka dibna waxay ku faaftay xadaaradihii ka jiray Shaam iyo Ciraaq. Maadaama ay shucuubtii kale ka gudbeen oo xarfo kale ay samaysteen, Itobiya oon iyada horumarin caalamka kalena aan lalahayn xidhiidh thaqaafad ayay ku hadhay fartii GEEZ.

7-Waxay sheegtaan inay yihiin dawlad Afrikaan ah oon waligeed la gumaysan. Laakiinse ma sheegaan sababta aan loo gumaysan iyo inay iyagu ka qayb galeen gumaystayaashii reer Yurub ee Afrika qaybsaday oy ka mid ahaayeen dawladihii iibin jiray dad Afrikaan ah oo mushtarkii adoonsiga ka qayb galay. Sidoo kale xadaaradii Islaamka eek u fiday labadii boqortooyo ee Faaris iyo Ruum ayay ka nabad galeen, sababtoo ah Rasuulka CS ayaa ka dardaarmay oo yidhi Xabashi faraha ka qaada haday idin daayaan. Khliifadii islaamka iyagoo dardaarankaa fulinaya ayaanay u soo dhaqaaqin dhanka Xabashida, arintaasna waxay dhaxalsiisay inay ka hadhaan xadaaradii iyo aqoontii ay muslimiinta gaadhsiiyeen meelihii ay ku fideen.

Qodobadaa aan tusaale ahaanta un u soo qaadanay waxay muujinayaan in shacabka Itobiya aanu ahayn shacab wax cudhin kara oo u bisil inay la wadaagaan shucuubta dariska la’ah wada noolaasho iyo waxwada qaybsi. Waa shacab lagu anqadhiyay khuraafaad aan jirin oo aaminay inay leeyihiin Geeska Afrika.

Arintooda waxay la mid tahay wiil rumaystay in gurigii aabahaa uu isaga leeyahay, caddaynta uu haystana ay tahay in awoowgii uu sidaa u sheegay.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay