1 June 2013,  Xubna kasocda jaaliyada Melbourne Iyo ururka OYSU Melbourne ayaa 1 June ka qeybqaatay shirkii bilaha ee hawenka qomiyaadka kala duwan oo la qabto bilkasta.

Jaaliyada iyo ururka OYSU Melbourne ayaa sitoos ah oga qeyb galayey shirarkaa mudo 5 bilood ku dhawaad ah, fursadna ay u noqotay in ey ku soo babdhigaan cashara kala duwan bilkasta. Waxeey jaaliyada Iyo OYSU Melbourne sitoos ah oga faaidaystaan shirarkaan oo runtii xubno dowlada Iyo Haya’adaha ka shaqeeya xaquuqul insanka ay ka soo qeybgalaan.

Waxaa runtii farxad ah sida wanaagsan ey jaaliyada Iyo ururka Dhalinayarada iyo Ardayda Ogadenya OYSU Melbourne ay ugu wada shaqeeyaan is-kashi iyo gacmo wada furan, iyagoo shirirka ama bandhigeed ajaanibta si wada jir ah oo kalsooni ah u soo bandhiga qadiyadda shacabkooda iyo halganka ka socda Ogadenya, shaacana ka qaada dulmiga shacabka Somaliyeed ee Ogadenia lagu hayo.

Shirkaan qeybtiisa lixaad ayaa bilaaban doona bisha July  2013.

Guul Iyo Gobanimo, Oysu Melbourne.

Luul Ibraahim/ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay