HN – Warar naga soo gaaraya ilo kala duwan ayaa sheegaya in Dowlada itoobiya qarka U saaran In ay kala dhaqaaqdo,arintan oo walaac aad U balaaran ku abuurtay wadamada reer galbeedka oo U arkay itoobiya wadan dano badan Ka leeyihiin In uu yahay.

Kadib geeridii ku timid kaligii taliyo melez zenawi ayaa waxaa bilowday loolan aad U ba,an oo U dhaxeeyan dhamaan raga talada haya ee tigreega & Kuwa qowmiyadaha kale, khilaafkan meesha xun gaaray ayaa waxaa isku dayay In ay U kala dabqaadaan dowladaha ingiriiska & mareykanka kuwaas oo kala kulmay dhib aad U badan In ay mideeyaan aragtida dhamaan masuuliyiiintan is khilaafsan.

Saraakiishii tigreega oo nin walba gobolkuu haystay la wareegay:

Kadib markii siyaasada la isku mariwaayay ayaa waxaa soo baxday In janan walba oo tigree ah yiraahdo Aniga gobolkaan maamulo la iiguma iman karo khayraadkiisa iyo boobidiisaba Aniga ayaana goaan Ka gaari cida aan madax uga dhigi ama cida Aan Ka casili, halka qowmiyada tigreegu bilowday In hubkii ugu cuslaa U rarato degaanada tigreega, kadib markii AY dareemeen In mowjada socota ay aad u adag tahay in ay Ka badbaadaynin.

Halganka JWXO oo walwal Weyn ku abuuray Taliska adisababa .

Kadib markii wadahalkii beenta ahaa ee itoobiya iyo JWXO burburiyeen tigreegu,arkeena In wax saamayn ah ku yeelan habsami U socodka geediga xornimo doonka, dhamaan khilaafkii ay filayeen ee soomali looga bartayna waayeen, waxaa bilaabatay In dhamaan taliskoodii ogaadeenya khalkhalo oo dareemo In wadahadal mooyee Aan Xabad ummada Ogaadenya lagu maquunin karin.

Dib usoo nooleysiinta wada hadalka :

Itoobiya markii Ogaadeeniya Xabad baan ku xalintii AY lahayd ku fashilantay,itoobiyana maanta qarka usaaran tahay kala dhaqaaq ayaa waxaa dib u bilaabatay in wadamada reer galbeedku hada isku dayayaan in itoobiya lagu qasbo in Ogaadeeniya xal waara loo helo, arinta oo in mudo ah si hoose u socotay Ayaan la Garan karin in xal waara horseedi doonto iyo in khiyaamo hor leh iyo wakhti gadasho ay tahay.

Hanqadhnews@gmail.com

F.G. Waxaa isagana maqaal aad u qota dheer ku soo qoray saxiifadda ugu codka dheer  Mareykanka ee NYT qoraaga caanka ah ee Thomas Freidman. Maqaalkaa ayuu qoraagan oo saadaasiisho ay dheertahay uu cinwaan uga dhigay – Ilaahay Ma Badbaadin Karaa Itobiya ( Can God Save Ethiopia?). Maqaalkaa oon soo tarjume doono wuxuu cinwaanka muujinayaa inuu ka niyad jabsan yahay qoraaga oo booqday dalkaa mustaqbalka Itobiya.

La socda.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay