Shirkan ay ka soo qeybgalay bulshada qeybaheeda kala duwan sida dhalinyarada hoyooyinka, odayasha iyo wax garadka ayaa lagu qabtay magaaladaMelbourne. Shirkan oo si fiican loo soo abaabulay ayay jaaliyadda guud eeVictoriakaga arinsanayeen arimaha quseeya halganka iyo jaaliadda iyagoo ku kala warqaadanayay dal iyo dibadba taasoo aheyd waxa ugu wayn ee shirka maanta..

Ugu horeyn Sheekh Fatxi ayaa waxa uu shirkan sidi caadada aheyd ku furay aayado Quran ah Iyo Wacdi diini ah oo ka koobnaa guubaabo, isfarida halganka Iyo cabsida Allaah Subxaanahu Watacaalaa.

Naftii hure Abdi Aziiz oo maalin dhaw gudaha Ogadeniya kayimid  oo haatan kusugan Geeska Afrika ayaa khadka telephone ka  sitoos ah warbixin wadanka xaladiisaha ah jaalida siiyay. Halgamaa Abdi Caziiz ayaa waxaa uu aad uga waramay xaalada guud ee ka jirta gudaha Ogadenia, waxa uuna aad ugu dheeraaday dhibaatooyinka shacabka uu ku hayo gumeeystaha madoow.

Waxa uu yiri halgamaha; “Shacabka Ogadenia waxay ku dhibaateysanyihiin noolasha, maxaa yeelay xorriyada hadii uu qof heysan cidhiidhi ayey noolashiisuna ahaaneysaa. Waxa ay shacabka reer Ogadenya habeen iyo maalinba ay lakulmaan tacadiyo dheeri ah sida; dilka, kufsiga, jidh dilka, dhaca iyo xabsi naxariis la’aan ah.

Waxaa kaloo shirka laga bixiyay warbixino muhiim ah oo ku saabsan habka wada-sahqaynta iyo sidii halganka loo horumarin lahaa.

Isku soo wada duub oo shirka ayaa waxa lagu soo gunaaniday sida loo xoojin laha hurusocodka halganka gudaha iyo dibadaba looguna faafin lahaa dunida xogta dhabta ee ka jirta Ogadenia.

Mohamed Noor/ONA-Melbourne

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay