Maqaal gaaban hasa ahaatee ay ku dhan yihiin tusaalayn farabadan ayuu qoraaga caanka ka ah Mareykanka Mr. Thamas Friedman ku soo qoray NYT oo ah waregaysyada ugu wayn dalkaa. Wuxuu ku bilaabay maqaalka; Wararkii shalay laga sheegay Itobiya waxay ahaayeen qaar aan horey loo maqal, waxayna dhalisay in la’isweydiiyo godka dhamaadkiisa ma muuqdaa. Maqqaalka oo cinwaanka uu u doortay yahay (Can god saveEthiopia) ayuu qoraaga isagoo sii wata hadalkisia yidhi; Waxaan marnaba suurtagal ahayn in arimaha ka socda dalkaa aanay wax ka badalin sooyaalkii Itobiya. Arinta muhiimka ahse waxaa weeye in aan shiishka saarno shacabka Itobiya siday iyagu u arkaan arimahan socda.

Wuxuu yidhi; Maamulka hadda jira waxaad moodaa inay ku mashquuleen mashaariic waaweyn intay la socon lahaayeen xaalada shacabka. Waxaanan odhan karnaa dawladda way lumisay dagaalkii oo rasaastii ayaa ka dhamaatay. Mashaakilaadka ka jira dalkaa markaad ka fikirayso waxaa muhiim ah buu yidhi qoraaga inaad xasuusan tahay 3ex arimood. Kow; dadka Itobiya ma’aha sidii boombale (muppets) lagu ciyaari karo oo dhanka la rabo loo jeedin karo. Hadii shacabka sidaa loo arko waa waqti lumis un. Hadday yihiin dad noocaa ah ma samaysteen suuq madow oo lagu kala gato cajaladaha reer galbeedka ee DVD-ga. Laba, Itobiya tobanaan sano oo Kali-talis uu xukumayay ayay caalamka ka xidhnaayeen, sidaa darteed, inay ku fikiraan xasilooni iyo nabad waxay la tahay arin dibada uga timid oon la fahmaynin. Saddex, Hanti-goosadka waa fikrad si aan caadi ahayn oo xoogan loo aaminsan yahay. Wuxuuse sheegay in hanti-goosadkii uu keenay musuq-maasuqa baahsan.

Intaa ka dib wuxuu si sarbeeb ah uga waramayaa waxyaabaha uu ku soo arkay socdaalkiisii.  Oo qofka akhriya uu ka fahmayo inuu qoraaga ka aaminsanaa shacabka Itobiya in aanay la mid ahayn shucuubta kale. wuxuu yidhi;

Markaan Itobiya tagay bishii June ee hore, waxaan aad ula yaabay noocyada kala duwan ee dalka yaala, laba arin ayayna ii muujinaysaa midaasi. Waxay i dareensiisay in shacabka Itobiya aanay ka madhnayn geesinimada, waana bilow wanaagsan oo laga ambaqaadi karo. Midda labaad, in shacabka Itobiya uu la mid yahay shucuubta kale ee caalamkan fidsan ku nool.

Intaa ka dib ayuu isagoo taxliilinaya arimaha ka socda Itobiya yidhi; Hadaba maxaan ka yeelnaa qaska ka taagan Itobiya? Hagaag, midda ugu sahlan waa in aan ka bilowno waxyaabaha ay tahay in aanan samaynin. Waa in aynaan is-ilowsiinin mushkiladda ka jirta dalkaa oon isku maaweelinin inay iska dagi. Intaa waxaa dheer, in si taxadar leh aan u sii xoojino asaaska nabada aan sugnayn, taasaa loo baahanyahay. Fursad way jirtaa, waxaanse ka walwalsanahay, wadada loo marayo xasiloonida waxaa daadsan caqabado ay tahay Itobiya inay si tartiib ah oo taxadar leh ay uga gudubto. Waxayna u baahantahay Itobiya inay taariikhdeeda la falgasho. Mar aan la sheekeystay gabadh ardayad oo jaaliyadda yare e Falastiin ka joogta halkaa ah, ayaan weydiiyay fariinta ay rabto in aan ka gaadhsiiyo dalkayga markaan ku noqdo. Xoogaa intay aamustay oy dhoola cadeysay ayay luqadooda ku tidhi, reiaya-li-kona, oo macnihiisu noqonayo; “Shaaha ugu macaan waa midka caleentiisa uu muddo qalalayay.”

Wuxuu ku soo gabagabeeyay qoraaga maqaalkiisaa; Magaran karo siday noqon doonto Itobiya dhowr sano ka dib, waxaanse ogahay inay dhaqankooda ku dhagan yihiin xataa haddii dalka aan hadda aragno mid ka duwan uu noqdo. Midaa waan hubaa sababtoo ah dadka shacabka ah riyadoodii ma dhamaanin inkastoo qas badan uu ka jiro dalka.

Maqaalka Friedman (Can God Save Ethiopia?)

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay