4 June 2013, Waxaa magalada  Melbourne ee dalka Australia kadhacay shir caalami ah ey soo agaasimeen hay’adaha xaququl insaanka u dooda. Shirkaan ayaa waxaa lagu martiqaaday oo ka soo qeygablay xubno ka socda dowlada Australia, hay’adaha sida Amnesty International Australia, jaaliyadaha qoomiyaadka kala duwan ee ku nool dalka Australia, gaar ahaan kuwa dagan magalada Melbourne.

Shirkaan oo lagu casumay Jaaliyada Soomaalida Ogadenia ee Victoria iyo ururka Ogaden Youth and Students Union (OYSU) Melbourne ayaa waa shirka sitoos ah oga qeybgalay Mudane Muktar  Ibrahim oo ah gudoomiyaha ururka OYSU Melbourne asagoo matalaya Jaaliyada iyo OYSU Melbourne.

Halgame Muktar ayaa gaadhsiiyay warbixino haya’adihii goobta fadhiyay isagoo soo bandhigay caddaymo muujinaya dhibaatooyinka lagu hayo shacabka reer Ogadenia sida jidhdilka, kufsiga, dhaca iyo xasuuqa. Waxaa kaloo uu halgame Muktar soo bandhigay muqaalo cadaynaya xasuuqa shacabka Ogadenia lagu hayo muqaalkaas oo dadkii meesha isugu imaaday ay ka murugoodeen.

Waxeey hay’adaho balanqaadeen in ey si toos ah ula shaqeynayaan Jaaliyada S.Ogadenya iyo ururka dhalinyarada OYSU Melbourne, oy wax u qaban doonan shacabka dulman ee Ogadenia.

Filamadii iyo sawiradii uu soo bandhigay Muktar wuxuu soo jiitay African Tv press oo magaalada Melbourne laga daawado, codsadayna waraysi in ey layeeshan Jaaliyada iyo OYSU Melbourne.

Shirkaan ayaa ku dhamaaday jawi fiican, oo shacabka Ogadeniana u soo jiiday Guul.

Waxaa mahad mudan halgame Muktar Ibrahim oo Runtii si hagar la’aan u soo bandhigay dulmiga iyo xasuuqa shacabka laguhayo.

Lul Ibrahim.

ONA/Melbourne.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay