Xubnaha  Jaaliyada  Ogadeniya ee Koonfur  Africa  gaar ahaan Xubnaha Jaaliyada ee ku Sugan  magaalada  Durban ee gobolka  Kwazulu-natal  iyo  wafdi ka socday Xarunta  Jaaliyada  ee gobolka Eastern Cape oo uu horkacaayo gudoomiyaha Jaaliyada Oagdeniya ee Koonfur Africa  N/tiihure C/raxman Siciid ayaa  maanta kulan ku yeeshay Xafiiska Jaaliyada ee magaalada  Durban

Kulan oo uu soo agaasimay maamulka Jaaliyada ee Faraca  Durban ayaa waxaa ka soo qayb galay dhamaan Xubnaha Jaaliyada ee Faraca gobolka Kwazulu-natal  iyo marti Sharaf kale

Shirkan oo ayaa  shir Abaabul, Kormeer, iyo Wada-tashi  ayaa waxaa Hadal dheer  oo ku saabsan xaalada shacabka Somalida Ogadeniya  ee Koonfur Africa ku dhaqan siday Amaan-kooda  u badbaadin lahayd dawlada Koonfur Africa  , warbixin xaalada Ogadeniya ah  iyo Sidii loo sii xoojin lahaa waxqabadka Jaaliyada  ka soo jeediyay  gudoomiyaha  Jaaliyada Ogadeniya N/tiihure C/raxman Siciid. Dhanka kale gudoomiyuhu wuxuu ka warbixi-yay burburka gumaysiga  Itoobiya  ku bilawday kacdoonada Siyaasadeed iyo banaan-baxyada ka socda Caasimada gumaysiga Itoobiya ee Addis Ababa.

Waxaa kale oo Kulanka  ka hadlay Xoghayaha Ururka Midawga Dhilinyarada iyo Ardayda Ogadeniya  (OYSU ) ee Faraca gobolka Eastern Cape (PE) mudane Maxamed Xassen (Dhagacaleen )  masuuliyiin kale  dhalinyro,iyo marti sharaf-tii kulanka  ka soo qayb gashay waxayna  dhamaan tood goobta ka cadeeyeen inay qadiyada Ogadeniya tahay Qadiyad waajib ku ah guud ahan Somaliweyn isla markaana  loo baahan yahay in loo gurmado dhamaan Shacabka  Somalida Ogadeniya Si ay u hellaan Aayo-katashi gooda isla markaana  uga  madax banaa-naadaan gumaysiga  Itoobiya.

Shirkan oo   ka mid ahaa  Shirarkii  Abaabulka iyo Kormeerka  isugu Jiray ee ay Jaaliyadu u qabanaysay bulshada Somalida Ogadeniya ee ku nool wadanka Koonfur Africa ayaa ugu dambeyn loogu sameeyay maamul Cusub   Faraca Jaaliyada ee magaalada Durban waxaana ka soo baxay qodobo muhiim u ah wax-qabadka  Jaaliyada.

Xayi Yare

Durban/South Africa.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay